|

Somaliland: Abaaro Ba’an Oo Ka Taagan Deegaanada Gobolka Sool

Laascaanood, 24,4,2016 (QJ/SDN) – Xaalad abaareed oo aad u xun ayaa lagu soo waramayaa in ay ka taagantahay deegaanada Gobolka Sool, iyadoona deegaanadaasi aanu illaa hadda ka di’in roobkii gu’gu.

Abaartani ayaa la sheegayaa in ay saameyn aad u xun ku yeelatay dadka deegaanka iyo xoolaha halkaasi ku dhaqan, iyadoona ay abaartana noqotay mid dadka aad u jilcisay.

Sheekh Siciid Axmed Cadar oo ka mid ah guddida abaaraha gobolka Sool ayaa ka qaylo dhaamiyay abaarta gobolka Sool ka jirta, isagoona sheekhu ku baaqay in la sameeyo gurmad ballaadhan oo loogu gurmanaayo dadka iyo xoolaha ay abaartu saameysay,

‘’Dadka xaaladooda aanu soo aragnay xaaladooda haddaanu nidhaahno aanu ka sheekayno waxaan u malaynayaa idinkoo ooyaya ayaad ka bixi lahaydeen halkan, xaqiiq weeye idinkoo ooyaya oo ilmeynaya ayaad ka bixi lahaydeen waxbana maydaan cunteen, dadka aanu soo aragtay iyo xoolaha aanu soo aragnay iyo ciidda aanu soo aragnay iyo baahida aanu soo aragnay iyo umulaha aanu soo aragnay iyo awlaadda aanu soo aragnay xaalkoodu meesha uu marayay, runtii ma sawiri karayo qalbigayguna aad buu arrintaa uga gariirayaa’’ ayuu yidhi Sheekh Siciid Axmed Cadar oo la hadlayay dadweynaha gobolka Sool, isagoo dhawaan kasoo laabtay socdaal uu kusoo maray deegaanada ay abaartu ku dhufatay.

Sheekhu waxa kale oo uu dadweynaha reer Sool ku canaantay in aanay sidii la rabay uga qayb-qaadan gargaarka loo fidinaayo dadka ay abaaruhu ku dhufteen ‘’intii abaaruhu ka dhaceen gobolkana waxaan is leeyahay dadka gobolka degan aad bay uga gaabiyeen, marka laga reebo mucaawino yar oo galbeed iyo xaggaa ka timaado oo maamulkaasi keeno [Somaliland]’’ ayuu yidhi Sheekh Siciid Axmed.

Dhanka kale, sheekhu waxa uu ka warramay xaalado aad u liita oo uu kula kulmay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee uu soo arkay, isagoona yidhi; ‘’Run baan idiin sheegayaa walaalayaal umul u baahan in lagu qabto Sufur caano ah iyo ilmo yar oo wax bariiska loogu kariyo aan haysan ayaanu soo aragnay, dadka meeshaas joogaa ILLAAHAY mooyaane cidkale sugi maayaan, waa gaajaysanyihiin waa harraadanyihiin oo waa arradanyihiin oo cidlaa lagaga dhaqaaqay, xooluhu waa xanuunsanayaan waana bakhtiyayaan..’’

Ugu danbeyntii, Abaarta ka taagan deegaanada gobolka Sool ayaa lagu soo waramayaa in ay saameyn xun ku yeelatay dadka iyo xoolaha halkaasi ku dhaqan, iyadoona abaartani ay sababtay macaluul aad u xun.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda Somaliland ayaan weli abaaraha gobolka Sool ku dhuftay uga qayl-dhaamin sidii ay ugu gurmatay abaarihii ku dhuftay gobollada galbeedka Somaliland.

Xigasho: GaloolMedia

Comments are closed