‘’Somaliland 3,000 oo qof oo Oromo ah ayay qasab uga barakicisay degaannadood isla markaana ay weli wadaan barakicinta dadka oromada ah’’ Wasiirka Warfaafinta Itoobiya
Addis Ababa 27. September 2017 (SDN/QJ):- Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeysay maamulka Soomaaliland in uu barakacin ku haya dadka Oromada ee ku dhax nool kaddib qalalaasihii ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay deegaanka Hawadaay.
Wasiirka warfaafinta dowladda Itoobiya Negeri Lencho ayaa warbaahinta u sheegay in maamulka Soomaaliland ay ka qeyb qaateen barakicinta lagu haayo dadka Oramada ah ee ku nool degaanada maamulka Soomaaliland.
Waxaa uu ku eedeeyay in Soomaaliland 3,000 oo qof oo Oromo ah ay qasab uga barakiciyeen degaannada Soomaaliland islamarkaana ay wali sii waddaan.
Wasiirka ayaa xusay in ay waddaan baaritaano ku aadan waxyaabihii sababay dagaalkii dhexmaray Oromada iyo Soomaalida.
Xukuumada Somaliland ayaa ilaa hada ka hadlin dhawaqan ka soo yeedhay wasiirka warfaafinta ee Itoobiya.
Qoraalka Warkan oo English ku qoran halkan ka akhri