|

Somalida Reer Kuwait Oo Lagu Arkay Cudurka Ebola

Kuwait:Nov,1,2014(SDN/QJ)-Jariiradda Arab Times, ayaa daabacday in nin kamid ah soomaalida ku Nool dalka Kuwait lagu karantiimeeyey kadib markii lagu arkay astaamaha cudurka Ebolaha.

ebeoMaamulka Isbitaalka Cadan ee magaalada Kuweit City ee dalka Kuweit faahfaahin dheer meysan ka bixin qofka soomaaliga ah ee lagu arkay xumadda caabuqa Ebolaha,Waxaase warka ka soo baxay maamulka sare ee Isbitaalkaasi lagu sheegay in hadda la karantiilay oo xaaladdiisu lala soconayo si loo hubiyo haddii u ka bad qabo cudurka Ebolaha iyo haddii kale.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo dhawaan wasaaradda caafimaadka ee dalka bayaan ay soo saartay ku sheegtay in aad uga feejigan yihiin in cudurka Ebolaha uu ku faafo dalkooda.

Dhinaca kalena ay gacan u fidiyeen wadamada caabuqa Ebolaha oo aafeeyay ee galbeedka dhaca ee kala ah Siera Leone, Guinea iyo dalka Liberia, Dalka Kuweit waxaa ku nool Soomaali fara badan kuwaasoo qaarkood ay heystaan jinsiyadda dalkaasi waxaana dalkaasi si weyn looga qadariyaa dadka Soomaaliyeed marka loo eego wadamada gacanka Khaliijka qaar sida Boqortooyada Sacuudiga, oo aan soomaalida laga soo dhaweynin,

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed