SOMALIA:Waxay Fatahaaduhu Saameeyeen 1320,000 oo Ruux
Hargeysa,16Nov,2015(QJ/SDN)-Daadad Dabeylo wata oo ku dhuftay qaar kamid ah gobolada Puntland iyo Jubbaland ayaa sababay inay ku burburaan guryo badan, waxayna saameysay ku dhawaad 1320,000 oo ruux tan iyo 19-kii October ee sanadkan 2015-ka , sida ay sheegtay hayada arimaha bini’aadanimada u qaabilsan Qaramada Midoobay.
Hayada UN OCHA ee Qaramada Midoobay ayaa ku sheegtay warbixintedii ugu dambeysay in xaaladdu wali ay tahay mid khatar ah, iyadoo laga baqayo inay saameyn kale kala kulmaan dad kale oo ku sugan koofurta iyo badhtamaha Soomaaliya.
“Gobolka banaadir, roobab xoogan oo ka da’ay ayaa sababay daadad xoogan, seddex ruux ayaana ku geeriyootay Yaaqshiid, kuwo kalana wey dhaawacmeen”ayaa lagu yidhi warbixinta OCHA.
Ku dhawaad 42,000 ayaa kamid ah dadka ay saameysay duufaankii Jabala iyo Megh ee ku dhufatay deegaanada maamulka Puntland.
Sidoo kale ku dhawaad 60,000 ruux ayaa ku barakacay fatahaado iyo daadad ka dhacay gobolada Bakool, Baay, Hiiraan, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, iyo Shabeelaha Dhexe.
Khabiirada ka hadlaya daadadka ayaa ka digaya in fatahaaduhu ay saameyn ku yeeshaan suurta galnimada inay jaraan goobihii la marsiin lahaa gargaarka loogu talo galay dadka ay saameeyeen roobabka iyo dabeylaha ku dhuftay Soomaaaliya