|

Somalia:Magaalada Jowhar Oo Laga Mamnuucay Bajaajka iyo Niqaamka ama Indho-shareerka

Jowhar,26Dec,2015(QJ/SDN)-Maamulka gobolka Shabeellada dhexe ayaa shalay ka mamnuucay haweenka inay xidhaan indho-shareerka ama niqaabka iyo in aanay degmadaas ku dhex-socon karin xilliyada habeenkii ah mootooyinka Bajaajka ee saddexda lugood leh.

Mas’uuliyiinta maamulka ayaa ku macneeyay tallaabadan inay tahay inay dhici karto inay kusoo dhex-dhuuntaan rag doonaya inay falal amni-darro ka fuliyaan gudaha magaalada Jowhar iyo deegaannada ku dhow-dhow.

Agaasimaha warfaafinta maamulka gobolka Shabeellada Dhexe, C/kariin Cumar Macallin ayaa sheegay in laga billaabo maalinkii shalay oo ay taariikhdu ahayd 25-ka December, 2015-ka laga mamnuucay haweenka inay indho-shareerka ku dhex-maraan gudaha degmada Jowhar.

“Si amniga degmada Jowhar loo adkeeyo, maadaama dhawaan uu ka furmi doono shirka lagu dhisayo maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe; maamulku wuxuu ku gaadhay go’aan in haweenku aanay xidhan karin indho-shareer iyo in mootooyinka loo yaqaan Bajaajta aanay marka la gaadho habeenkii dhex-mari karin magaalada,” ayuu Cabdikariin Cumar yidhi.

Dhanka kale, amniga degmada Jowhar ayaa la adkeeyay iyadoo lagu wado in degmadaas uu dhawaan ka furmo shirka dhismaha maamulka Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, kaasoo la sheegay in toddobaadyada soo socda uu furmi doono.

Ugu dambeyntii, tallaabadan ayaan ahayn tii ugu horreysay haweenka Jowhar ku nool looga mamnuuco inay xidhaan indho-shareerka; iyadoo horay uu uga mamnuucay haweenka inay xidhaan indho-shareerka guddoomiyihii hore gobolka Shabeellada Dhexe Maxamed dheere.

 

Comments are closed