|

Somalia: Shirkii Wada-tashiga Ee Magaalada Kismaayo Oo Dib Loo Dhigay

Kismaayo,10Jan,2016(QJ/SDN)-Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in dib loo dhigay xiligii uu farmi lahaa shirka madasha wadatashiga Qaran ee lagu balan sanaa in uu furmo maanta oo bishu tahay 10 bisha Janaayo, Iyadoo dib loogu dhigay 12-ka bishan oo ku beegan maalinta Talaada ee soo socota.

Dib u dhiga shirka ayaa maamulka Jubbaland sheegeen in ay soo gaartay ka dib shir saddex geesood ah oo ay wada qaateen Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed qodoban ay isla soo qaadeen.

maamulka Jubbaland ayaa waday todobaadyadii u dambeeyey diyaar garow xoogan oo ku aadan sidii ay u marti galin lahaayeen shirkan iyagoo sameeyey xaruntii shirkan lagu qaban lahaa ku dhextaala Madaxtooyada Jubbaland iyo Hotel-dii ay dagi lahaayeen martida.

Magaalada Kismaayo waxaa maanta gaaraya wafuud kala duwan oo ka socda dhinacyada shirka ka qayb galaya iyadoo maalinta beri ah la filayo in ay gaaraan madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha maamul goboleedyada.

Dhanka kale waxaa jira Khilaaf shirka caqabad ku noqon kara kaas oo u dhexeeya Jubaland iyo Koonfur Galbeed, waxaana khilaafku salka ku hayaa Baarlamaanada labada dhinac.

 

 

Comments are closed