|

Somalia Oo Ku Dhawaaqday In Ciidanka Ethiopia ka mid noqday AMISOM

 

Addis Ababa:18-Dec-2013(SDN)-Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in ciidamada Ethiopia ee ku sugan Soomaaliya ay si rasmi ah uga   mid noqdeen hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

 

torooDanjiraha Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa, Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan oo la hadlay xarunta wararka  Ethiopia ee Wolta ayaa xaqiijiyay ciidamada Ethiopia in ay ka mid noqdeen howgalka AMISOM.

 

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweyneyso go’aanka dowladda Ethiopia ay ugu biireyso howlgalka AMISOM, isagoonta intaas ku daray Ethiopia in ay aad u taqaano Soomaaliya oo ay daris yihiin, wuxuuna ku celceliyay ciidamada Ethiopia in ay door weyn ka qaadan doonaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Ugu dambeyn, danjire Axmed Cabdisalaan ayaa sheegay dowladda Eriteria in ay weli wado taakulaynta kooxda Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in ay gobalka ka wado xasilooni dari sida uu hadalka u dhigay.

 

 

Si kastaba, Ethiopia oo hadda ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqon doonta howlgalka AMISOM iyadoo golaha ammaanka QM uu kordhiyay tirada ciidamada.

AMISOM ayaa hadda ka kooban dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti iyo Siriliyoon.

 

Ciidanka Ethiopia ayaa iyagu Somalia  markii ay doonaan soo geli jirey, waxana hore loogu eedayn jirey inay amar la’aan iyo sharcidarro ku soo galaan ciidda Somalia, balse haatan haddii ay Amisom ka mid noqdaan taasi meesha waa ay ka baxaysaa,  dhinaca ammaankana wax weyn bay ka tari doonaa.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed