Somalia Oo Jawaab Ka Bixisay Go’aanka Kenya Gidaarka Kaga Dhisayso Xadka Labada Waddan u Dhexeeya
Muqdisho:Mar,24,2015(SDN/QJ)-Kadib markii ay Dawladda Kenya, ku dhawaaqday inay Gidaar ka dhisayso Xadka ay la wadaagto Dalka Somalia, ayaa waxa arrintaas jawaab ka bixiyey Safiirka Somalia u fadhiya waddanka Kenya Maxamed Cali Amerika.
Safiirka ayaa sheegay in dhismaha darbigaasi aanay waxba kala socon Dowlada Somalia, sidaa awgeedna ay Dowladu xaq u leedahay in lala soo socodsiiyo wax waliba oo ku saabsan xadka dalkeeda.
Safiirka ayaa sheegay in wararka ku saleysan dhismaha Darbigaasi kaliya ay ka maqleen Warbaahinta iyo gudaha Magaalada, balse ay godob Siyaasadeed ku tahay Dowlada Kenya maadaama aanay mudnaanteeda siinin Dowlada Somalia oo xadkaasi la wadaagta.
Waxa uu sidoo kale Danjiruhu sheegay in Dowlada Somalia iyo Kenya ka dhexeeyso xidhiidh qoto dheer sidaa awgeedna ay Dowlada Somalia u baahan tahay in lala socodsiiyo dhaqdhaqaaqyada Kenya ee ku aadan Xadka Somalia.
Laba maalin ka hor ayay aheyd markii Wasiirka Amniga Gudaha ee Kenya uu sheegay in todobaadka soo socda ay darbi weyn ka dhisayaan inta u dhaxeysa Mandhera iyo Beled-Xaawo darbi weyn, si looga hortago falalka amni dari, isagoo xusay in darbigaas uu yeelan doono albaab laga baxo, lagana galo Mandhera.
Dowlada Kenya ayaa aaminsan in Amni darida dalkeeda ka taagan ay sabab u tahay la socosho la’aanta dadka kusoo qulqulaayo Xuduudaheeda.
SDN/QJ