|

Somalia Oo DhiggeedaKenya Ka Codsatay Inay Usoo Gacan Geliso Ninka Lagu Sheegay Xasan Xanafi

Muqdisho:Aug,07,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Madaweyne Xasan Sheekh, ayaa Dhiggeeda Kenya ka codsatay inay usoo gacan geliso ninka ay shalay qabatay ee lagu sheegay inuu yahay Wariye Xasan xanafi oo si weyn loo raadinayo.

xanafiNinkan oo ka tirsanaa Suxufiyiinta reer Muqdisho, balse markii dambe ku biiray Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa loo heystaa dilka in ka badan 20 Wariye, oo lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Safiirka Somaliya ee Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Dowladda Kenya ay ka codsadeen in ay ku soo wareejiso Xasan Xanafi Xaaji.

Safiirka wuxuu sheegay in Kenya ay ka rajeynayaan in maalmaha soo socdo ay ku soo wareejiso Xasan Xanafi, si loogu Maxkamadeeyo dalka Soomaaliya, maadaama uu dembi culus ka galay.

Laamaha ammaanka ee dalka Kenya, ayaa waxay iyagu xaqiijiyeen inay gacanta ku hayaan Xasan Xanafi, markii ay xog isweydaarsadeen Sirdoonada Somaliya iyo Kenya.

 

Xarakada Al Shabaab, ayaan ilaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin wararka la xidhiidha in Dowladda Kenya, ay gacanta ku dhigtay Xasan Xanafi Xaaji.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed