|

Somalia oo ay Qaramada Midoobay u raadinayso Ciidan la dagaalama Kooxda AlShabaab

Nairobi 08.October 2013 (SDN)-Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay ciidamo milateri oo dheeraad ah si ay uga saaraan kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab deegaannada ay weli haysato oo ay ka mid tahay magaalada Baraawe oo toddobaadkii hore ay weerareen ciidamada sida gaarka u tababaran ee dalka Mareykanka.

nikolayNicholas Kay ayaa idaacadda VOA-da u sheegay  in Al-Shabaab ay weli halis ku tahay dadaalka loogu jiro nabad ka dhalata Soomaaliya.

Danjiraha wuxuu ku nuux nuuxsaday in kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh ururka Al-Qaacida aysan lahayn  awooddii ay hore u lahayd ka hor intii aan laga saarin caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo magaalooyin kale ee waa-weyn, balse wuxuu sheegay in weli loo baahan yahay ciidamo milateri oo dheeraad ah si looga sooro maleeshiyada Al-Shabaab qeybaha kale ee Soomaaliya.

Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in la filayo oo ay dhici karto in ay ka hadlaan dabayaaqada bishan kordhinta tirada ciidamada iyadoo dib loo eegayo howlgalka AMISOM.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed