|

Somalia Iyo Sudaan oo Kala Saxeexday Heshiis la Xidhiidha Dhinaca Waxbarashada

Khartum 10.Sep 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka waxbarashada dowlada Soomaaliya Dr Cabduqaadir Cabdi Xaashi ayaa heshiis dhanka Waxbarashada ah la saxeexday dhigiisa dalka Suudan Drs Sumaya Abuu Kashwah,kaas oo ka dhacay Magaalada Caasimada dalka ee Khartuum

somalia-and-khartumHeshiiskan ayaa u-jeedadiisu tahay xoojinta xidhiidhka  wada shaqeyneyd ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Suudaan iyadoo Wasiirka waxbarashada Dowladda Soomaaliya uu sheegay in deeqaha waxbarasho ee dowlada Suudaan siiso Soomaaliya sanadka lagu kordhin doono  deeqaha Waxbarasho ee Master iyo PHD-da halka markii hore deeqahaasi ay ku koobnaayeen Shahaadada Bachelor degree-ga.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Dr Cabdiqaadir Cabdi Xaashi ayaa intaasi sii raaciyay in deeqahan ay ka faa`iidi doonaan kumanaan arday oo aan awoodin inay sii wataan waxbarashada  kala duwan.

Dr. Cabdiqaadir Sidoo kale waxa uu kulan xog-wareysi ah la yeeshay ardayda dhigata jaamacadaha Suudaan kuna qaabilay Hoolka   jaamacada Africa,isaga oo ka dhageystay tallo iyo Tusaale,isaga oo ardeydaasiku guubaabiyay inay kor u qaadaan dedaalkooda Waxbarasho oo ay ka mira-dhaliyaan hadafka ay u soo baxeen.

Comments are closed