|

“Somalia in aynu kala fogaanay waxaad ku garanaysaan baastada ma cuno”.Wasiir Waran-cade.

Hargeysa  15.Oct 2015 (SDN/QJ)-  Wasiirka Wasaarad Arrimaha Guddaha Somaliland Md: Cali Maxamed Warancade ayaa hadalo u badnaa kaftan ka jeediyay casuumad uu Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Md: Cabdiraxmaan Saylici ku maamuusay Suldaanka guud ee beesha Warsangali ,wasiir warancade ayaa hadaladiisa ku bilaabay”Casuumadan uu sameeyay Madxwayne ku xigeenku waa casuumad sharafeed loogu tala galay Suldaanka Guud ee bariga Somaliland iyo waftida qiimaha leh ee la socota nasiib wanaag waxaanay casuumadani ku soo beegantay maalintii ugu horaysay ee sanadka cusub ee Islaamka “.

CALI-WARAN-CADE1Wasiir Warancade oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waftidan uu suldaanku hogaaminayo mudo bil ah bay joogeen caasimada Hargaysa waxaany ka turjumaysaa isjacaylka bulshada reer Somaliland iyo siday isu maamuusayaan ,inaynu Somalia kala fogaanayna waxaad ku garanaysaa Baastada ma cuno taasina waxay ka turjumaysaa inaynu xamar kala fogaanay”.ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland.

Comments are closed