|

Somalia: Dawladda Federaalka oo lagu wareejinayo maamulka Hawada iyo Somaliland oo aan Ka Hadlin

SAFIIR

Danjiraha Somalia ee dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan oo saxeexaya qalabka lagu wareejiyay.

Nairobi, 9,5,2016 (QJ/SDN) – Waxaa magalada Muqdisho xarunta dalka Somalia la gaadhsiiyay qayb kamid ah qalabka lagula socda hawada Somalia, kaasi oo laga soo qaaday dalka Kenya gaar ahaan Nairobi, waxaana la filayaa in maanta [Isniinta 9 May 2016] lagu wareejiyo wasaaradda gaadiidka.

Danjiraha Somalia ee dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan, ayaa tilmaamay in arrintan muddo  ay ka soo shaqaynayeen, isagoo intaasi raaciyay in ku dhawaad 30 sanno ay tahay markii ugu horraysay ee qalabkan Somalia la keeno.

Danjiruhu wuxuu xusay in qorshaha xiga noqonayo sidii Somalia loogu wareejin lahaa maamulka Hawada Somalia oo hadda ay xukunto hay’adda Qaramada Midoobay ICAO.

“Qalabkan wuxuu ka kooban yahay Computero iyo adeegii saadaasha hawada oo markii u horeysay Soomaaliya la keeno, waxaa gacan naga siiyay IGAD iyo Hey’adda ICAO, dowladda Soomaaliya waxay la soo wareegi doontaa inta ka hadhtay maamulka Hawada Soomaaliya,” Ayuu yidhi Amb. Jamaal oo warbaahinta gudaha Muqdisho la hadlayay.

Wuxuu intaasi ku daray in dhawaan la keeni doono Raadaal lagula socon doono diyaaradaha isticmaalaya hawada Somalia, taasi oo sahlaysa in Somalia awood u yeelato maamulka hawadeeda.

Qorshaha lagu wareejinayo maamulka hawada Somalia, ayaa muddo soo socday, waxaana laga yeeshay shirar badan, balse go’aanka lagu wareejinayo Hawada waxaa ka biyo diiday Somaliland oo ka madax banaan xukunka dowladda Federalka Somalia. July 2014  war ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay u xaqiijisay dawladda Somaliland inay maamulkii hawada ku wareejinayso dawladda Somalia.

July 10, 2015 Shir ka dhacay dalka Turkiga oo lagaga hadlayay Hawada  Somalia oo Somaliland ku jirto oo ka dhacay dalka Turkiga ayaa burburay,kadib markii lagu soo bandhigay shirkan oo qaramada Midoobay qabanqaabisay qorshe lidi ku ah heshiishkii maamulka hawada ee Somaliland iyo Somalia.

Maxamuud Xaashi Cabdi oo wakhtigaa ahaa Wasiirka Duulista ayaa safar uu dalka Turkiga ugu baxay ,October 14, 2015 oo uu kaga qayb galayay shir lagaga hadlay Maamulka Hawada Somalia oo Somaliland ku jirto ayaan wax na tiijo ah yeellan.

Somaliland wali kama hadal qorshahan cusub ee dawlada Somalia loogu wareejinayo Maamulka Hawada.

Hay’adda ICAO, ayaa tan iyo 1991 gacanta ku haysay maamulka hawada Somalia.

Dalka Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii Madax banaanidiisa kala soo noqday dalkii Somalia oo ay la midoobeen sannadkii 1960-kii,kadib Somaliland waxay dhisatay dawlada Madax banaan oo wakhtigan u dabaal dagaysa sannad guuradii 25-aad ee la soo noqoshada xoriyadeeda.

Il-wareedka: Toosh

Comments are closed