|

SOMALIA: Dagaal Beeleed Maalinkii Labaad Ka Socda Magaalada Baladweyne

Baladweyne,14Dec,2015(QJ/SDN)-Waxaa maalintii labaad ka soconaya xaafadda Howl-wadag ee degmada Beledweyne dagaal u dhaxeeya maleashiyaad kasoo kala jeeda beelaha Gaaljecel iyo Jajeele oo marar badan oo hore ku dagaallamay deeganno ka tirsan galbeedka gobolka Hiiraan.

Inkastoo dagaalka maanta uusan aheyn mid culus marka loo eego kii shalay, haddana mar marka qaar waxaa la maqlayaan hub culus oo ay isku ridayaan malleeshiyooyinka iska soo horjeeda.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhimasho ee uu sababay dagaalka maanta mar kale ka dhacaya degmada, hasse ahaatee isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne ayaa la dhigay dhaawaca dad shacab u badanaa oo qaarkood laga keenay xaafado ka fog-fog aagagga lagu dagaallamayo.

Waxaa lagu guul-dareystay oo fahilmay dadadaalo nabadeed oo ay horkacayaan odayaasha dhaqanka kaddib markii qaar ka mid ah Wax-garadka beelaha Dagaallamaya diideen in la dhax-gallo.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa shalay baaq nabadeed u dirray dhinacyada iska soo horjeeda isagoo ka dalbaday in dagaalka la joojiyo wixii khilaaf ahna lagu dhameeyo qaab wada-hadalĀ  ah.

Ciidamada Midowga Afrikaa AMISOM ayaa wax fara-galin ah ku sameyn dagaalka socda, kaddib markii askari ka tirsanaa ciidanka Jabuuti shalay lagu dilay xaafadda Howl-wadaag xili gadiid ay la socdeen ciidammada rasaas lagu furay.

Comments are closed