Solja Oo Soo Gunaanadday Kullan Saddex Maalmood Socday Oo Lagu Diyaariyey Qoshe-hawleedka Saddexda Sano ee Soo Socdo Ururku Yeelan Doono
Hargeysa:June,05,2015(SDN/QJ)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa maalintii shalay soo afmeeray Kulan saddex maalmood socday ay kaga arrinsanayeen Qorshe-hawleedka Saddexda sano ee soo socdu uu ururkaasi yeelan doono, kaas oo lagu qabtay Hutel Guled ee Magalada Hargeysa.
Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen madax kala duwan oo ka kala socday Hay’adaha ururrada Bulshada, daneeyayaasha Saxaafadda somaliland, Hoggaanka sare ee Ururka SOLJA, Khubaro ku xeel dheer cilmiga saxaafadda iyo aqoonyahanno faro badani, ayaa si weyn loogaga dooday sidii ururkaas loogu samayn lahaa Qorshe iyo hadaf tilmaamay Yoolka iyo Barta uu higsanayo.
Doodo dhaadheer oo arrimahaas laga yeeshay iyo soo jeedimo, ayaa waxa ugu dambayntii dhidibada loo taagay Qorshaha ururku yeelan doono, waxana la isku waafaqay inuu ururku raaco dariiq u suurtogelin kara inuu noqdo mid hana qaada oo hiigsigiisa si fudud u gaadha.
Wariyaha Caanka ah ee Yoonis Cali-nuur oo kamid ahaa dadkii maskaxdooda iyo wakhtigooda geliyey inuu ururka SOLJA yeesho istiraatiijiyad mustaqbal oo halkaas ka Hadlay, ayaa sheegay muhiimadda ugu weyn ee la kala faa’iiday ay tahay isdhexgalka saxafiyiinta iyo dadka kale ee arrimahan sida gaarka ah u daneeya, waxana uu soo jeediyey in la joogteeyo isu keenidda wariyayaasha.
Agaasimaha Fulinta ee Akadamiga Nabadda iyo Horurinta somaliland Maxamed Faarax Xirsi oo Halkaas ka Hadlay, ayaa isaguna Halkaas ka sheegay in Hoggaanka Ururka SOLJA Laga rabo inay hirgeliyaan qorshayaasha madashaas lagu unkay, waxana uu intaas ku daray in wixii lasoo saaray noqdaan qaar shaqeeya oo mustaqbalka la iskula xisaabtamo hirgelintooda.
Guddoomiyaha Ururka Solja Maxamuud Cabdi Jaamac(xuuto)oo isaguna Halkaas ka Hadlay, ayaa sheegay inay soo wadaan kulamo tiro badan oo saxaafadda Waddanka lagu horimarinayo si loo dhiso tayada iyo aqoonta Saxafiiyinta, waxana uu tilmaamay in kor u qaadida xirfadda iyo aqoonta wariyayaashu yihiin dariiqa la doonayo in ururka lagu horumariyo.
Mr Xuuto waxa uu sheegay inay abuureen Jawi isfaham oo saxaafadda iyo xukuumadda u dhexeeya intii ay xilka hayeen, waxana uu soo jeediyey cid waliba shaqadeeda ku toosto oo aan la isku xadgubin.
Xubin sare oo ka socota Ururka Haweenka Saxafiyiinta ah ee Wija oo iyaduna halkaas ka Hadashay ayaa sheegtay inay si weyn usoo dhaweynayso hirgelinta Qorshaha waxqabad ee la unkay, waxana ay ku dardaarantay inay hoggaanku arrimahaas ka dhabeeyaan.
Gebogebabadii waxa Kulankaas soo afmeeray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Maxamed Cilmi Aadan, waxana uu hoggaanka Ururka kula dardaarmay inay Waxyaabihii halkaas kasoo baxay ka dhigaan qaar hirgala oo mustaqbalka la iskula xisaabtamo.