|

SoDMA iyo Un-ta oo kawadahadlay bixita Gargaarka deg dega ah

Muqdisho July 25, 2024(QJ) -Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa shir guddoominayay kulan ay ka soo qeyb galeen ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay George Conway iyo madaxa xafiiska UN-OCHA ee Soomaaliya Crispen Rukasha oo ay wehliyaan kooxo farsamo oo ka socday Hay’adda UN-OCHA iyo SoDMA.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada iyo isku xirka howlaha gargaarka, wax ka qabashada caqabadaha la xiriira leexinta gargaarka, kaalmeynta dadaallada xasilinta, wax ka qabashada caqabadaha la diiwaan geliyey, iyo in SoDMA loo dhigo isku-duwaha hoggaanka dadaallada xasilinta degdegga ah si loo xaqiijiyo waxtarka.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay dardar gelinta iyo isku xirka howlaha Madasha Qaran ee Samafalka Qaranka, kaasoo ay ka qeyb galayaan deeq bixiyayaasha, wasaaradaha dowlad goboleedyada ee ka shaqeeya gurmadka, iyo hay’adaha samafalka ee kala duwan. Waxaa la nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la gaaro waxqabad midaysan iyo qorshe dhammaystiran.

Comments are closed