|

Socdaalkii Kowaad ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku Tago Dhulka Falastiiniyiinta

Qaza 31. August 2017 (SDN/QJ):-Xoghaya Qaramada midoobay Mr: Anteeniyo Guteeras, ayaa markii u horeysay booqday dhulka Falastiinta iyo Israa’iil, isagoo ku taliyey in xalku ku jiro in la helo dawlada Falastiin ah oo ka barbar jirta dawlada Israa’iil.

Hase yeeshee, ra’iisal wasaaraha Israa’iil  Mr: Nataniyaahu ayaa u sheegay Mr: Guteeras, in  hay’ada Qaramada midoobay u dhisan tahay nabada iyo horumarka caalamka oo dhan, waxase jirta in ay ka soo horjeedo jiritaanka iyo taariikhda Israa’iil ku leedahay gobolka, isagoo hadalkiisa ku xusay hay’adda UNESCO oo laga saaray Israa’iil.

 

Geesta kale, Mr: Guteeras waxa uu madaxda Falastiinta kula kulmay magaalada Raamala, halka uu sidoo kalena booqasho ku tegay Deegaanka Qaza ee Dhulka Falastiiniyiinta Waxaanu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ku dhiiraday Sidii uu Israa’il Iyo Falastiiniyiinta ugu qancin lahaa soo celinta wada hadaladii nabada ee u dhexeeyay labada dhinac.

Comments are closed