Socdaalkaygii Hargeysa Iyo Waxyaabihii Aan Ku Soo Arkay Ee Aan La Yaabay !!
Farqiga U Dhexeeya Xaaraanta Iyo Xalaashu Wuu Soo Yaraanayaa
“Qof Mushaharkiisu Aanu Kun Dollar Gaadhin Ayaa Maalin Keliya casuumad Ku Samaynaya $2 Kun Oo Dollar, Inta La Casuumayna Salaada Ayay Mar Wada Gelayaan Iyagoo Og In Waxan Ay Cunayaan Aanu Ahayn Dhididkii Qofkan Wax Casuumay, Balse Ay Tahay Lacag Ummadeed”
Waxyaabaha an Hargeisa ku soo arkey waxa iigu yaab badnaa waxa u weyn XALAASHA iyo XAARAANTU maba kala soocna. Hantida umadda sheekh iyo shariif iyo aqoonyahan kii soo gaadhaaba ma nabadgelinayo. Dad aan shanta salaadood ka tegeyn oonu soonka maalinna ka tegeyn ayaa ku takri falaya hantida umadda oo lacag leh, dhul leh, ganacsi leh. Baqashadii aakhiro iyo cadaabtu masaakiinta uunbey ku sii hadhay. Berigii hore waxa la isku khuukhin jirey qofkii xoolo agoomeed cunaa uu ku gubtaa. Ka warran kuwa maanta cunaya 5 malyuun oo agoon amaanadii loogu dhiibey. Wadaadadii iyagii ayaa lacag jeceyl iskugu biyo shubtey oo lacag iyo ganacsi ayay in badani eryaneysaa. Habeenkiina wax ay wacdiyayaan masaakiin iyo bacadlayaal aan xaaranba arag oo afar shilin quraxda u fadhiya oo kartoon ku tukada. Arki meysid wadaad badheedhaya oo sheegaya dulmiga. Masaakiinta uunbaa looga sheekeeyaa xaraantu waxa ay tahay. Tuug masaajid kabo ka xadey oo qalalsan oo la xukumayo mooyee, arki meysid qof la xukumayo oo loo heysto xoolo umadeed inu cuney. Dawladnimadu eedan in badan ayay ku leedahay oo waxa ad moodaa ama iney ogoshahay ama ay indhaha ka qarsaneyso. Balse dhaqankani waa mid dhaafsiisan dawladda oo dhiigii dadka ayuu raacey. Nin an u heystey awliyo Ilaahey oo meeqaam sare ka gaadhey madaxtinimada ayaa waxa laga sheegayo iyo waxa iiga muuqdeyba ay iga fajicisey. Xoolo aanu isaga iyo aabihii toona weligood shaqeysan ayuu faraqayaa. safka salaadana isagaa kaaga horeeya. Qof mushaharkiisii $1,000 aanu gaadhin ayaa hal maalin casuumad ku sameynaya $2,000. Anigu maan sheegin haddey dadkani sitaan footookoobi lacagta lagu daabaco. Inta casuumaddaa xaaranta ah ka soo qeyb galeysaa, sallaadda ayay mar wada geleyaan intaaney xaaraanta caloosha ka buuxin. Intuba wey wada ogyihiin in waxan la cunayaa aanu aheyn dhididkii qofkan wax casuumey ee ay tahay lacag umadeed.
Kuwan farta ku fiiqaya ee leh waxbaa la cuney, in badani fursad uunbaan soo gaadhin ee marka ay u marto, iyaga laftooda ayaan dhaafeyn. Sidey u muuqato, xoolaha umaddu xaraanba ma xisaabsana, ha noqoto lacag, ha noqoto cashuur la dhaafey ha noqoto, dhul la boobayo ama sifo hoose lagu bixinayo ama lagu iibinayo ha noqoto, aqallo dawladeed oo dad laga iibinayo ama lagu wareejinayo ha noqoto
Berigii hore dadka wax dhaca waa la yaqaaney. Waxa kale oo la yaqaaney dadka ku tasarufa hantida lagu aaminey. Kuwa wax dhacaa tuug maryo xun ayay ahaayeen oo markey soo socdaan ayaa la sii garan jirey. Dadka balwadda leh ee ama jaadka ama balwadda kale leh ayaa iyana lagu xaman jirey iney lacagta dawladda ku takhri falaan. Iminka labadaasiba bikh. Dad caadi ah oo qurux badan oo aan balwadii la yaqaaney laheyn ayaa umaddii ku batay. Waa dad caadi ah qaar suudh xidhanyihiin, qaar qamiisyo iyo macawiso xidhanyihiin, balse yeeshey balwad ah hanti jaceyl, xalaal iyo xaaraan tuu doon haku helee.
Waa muhiim in arintan lagaga hadlo goobaha lagu tuhunsanyahay in dhaqankani ka jiro. Waa muhiim in masaajidadu wacdiga ku daraan in dadka tukanaya kii ku soo weyseystey biyo aanu dhididkiisa ku soo shaqeysan aaney salaadi u ansaxeyn. In haddii shaadhka uu gashanyahay aanu sifo xalaal ah ku soo gelin inaan salaadi u jirin. Inaan saanbuuse laga sameeyey daqiiq lagu soo iibiyey lacag aan dhididkaaga aheyn aanu afur xalaal ah kuu noqoneyn. Haddaan diinta macnawiyan loo dabaqin, macnihii uu ka tegeyaa.
Wey jiraan dad badan iyo wadaado badan iyo madax dawladeed iyo ganacsato badan oo xalaal quutayaal ah oo xalaal cun ah. Balse, kuwaasi wey soo yaraanayaan. Qoaladan kale ayaa ka badanay. Takale, xalaashii iyo xaraantii ayaabu macnuhu ka sii tegeyaa.
W/Q: Maxamed Cali Bile