|

Socdaalka Soof daran Habowga ah ee Galaafta Nolosha Da’a Yar badan iyo Weedha Shabakada Qurbejoog.com Qaybtii 2aad

Wajaale 15.Sep 2013 (SDN)- Waxaan ku soo Arkay Tog Wajaale dhallinyaro  {Weriye ka Tirsan Shabakada Qurbejoog.com} Kooxo Kooxo ah oo laga soo qaaday Xuduuda ay wadaagaan Itoobiya iyo Suudan iyagoo u Jihaysan dhanka Liibiya si ay halkaas uga raacaan doonyo geeya qaarada Yurub oo ay aaminsan yihiin inay ka helayaan nolol dhaanta tii dalkooda .

Waa Hooyo ku Muusanaabaysa Aragtida wiilkeeda oo laga soo qabtay Xuduudaas durugsan waxay la amakaagsan tahay sida uu Ilmaheedii Maalmihii uu ka maqnaa uu ugu dhacay Isbedelka Duleed “Alla Hoogay Hooyo Sawdigan Dhuubtay ma sidaas ayaad dan moodaysay,Ma Og tahay wixii aniga iyo aabahaa na kala gaadhay intii raacdadaada lagu jiray” Wiilkani inkastoo aan Magaciisa ka Xasuusto Xamse hadana waxa uu Cod hoose hooyadii ugu Hal Celiyay “Dee Hooyo waxaani waa iska caadi ee hadalka hoos inoogu dhig”.

Or iyo Baroor ayay mar kaliya hooyadani Miciin biday iyadoo ku Tiraabaysa Weedho Naxdin ay oohini ku lamaan tahay indhaheeda ka da’ayaan “Xamse Hooyo ma sidaas ayaa Caqligaagu ku siiyay waar hadaad dhimato sidee ayay nolosha Reerkiinu noqonaysaa”.

Maan awoodin inaan wax duubo waayo sharciga Itoobiya waa ka Mamnuuc in Weriye aan ruqsad sidan uu ka hawl galo Itoobiya waxaan door biday inaan dhuuxo hadalada la is dhaafsanayo si aan u helo xog Min qiyaas iigu noqota kala fogaanshaha afkaaraha Ubadka iyo Waalidkood.

Aynu bal xoogaa qadar Milicsano Kala duwanaanshaha Somalidii Hore ay u Taqaanay Tahriibka oo ahaa Tacabir iyo xaaladaha Wakhtigan uu marayo.

Sida afka Somaligu qaniga u yahay ayaa erayada iyo magacyada loo adeegsado shay walba u yihiin kuwo kala duwan. Haddaaan ku horayno macnaha afka somaliga ee labada eray, waxaynu si fudud u  fahmaynaa inay macnaha iyo wakhtiga ku kala duwan yihiin.

Wakhtiyadii hore ee dadka Somalidu dhoofi jireen si kasta oo ay dalka uga baxaan iyo meel kasta oo ay tagaan-ba waxa ay isticmaali jireen kelmadda Tacabir, ama hebel wuu tacabiray, ereyga tacabir waxa uu salka ku hayaa eray ama weedha carabiga ah ee caabir ama caabara, oo macnaheedu yahay qaarado iskaga gudbid. Weedha Tahriib waa eray carabi ah oo macnaheedu yahay, si dhuumasho ah wixii dal lagu soo galiyo ama alaab ha noqoto ama dad iyo noole kale, midka ay doontaba ha noqotee.

Laakiin magacyada saxda ku ah ee afka soomaliga loo adeegsan karo, weedhahan waxaa ka mid ah, dhalandhool, Kaynaan iyo hayaan, kuwaas oo muujinaya qof socdaal galay. Laakiin haddii aynu si dhab ah u eegno qaabka wakhtigan dhalinyaradu u baxdo waxaynu u bixin karnaa ama odhan karnaa, “Soof daran habow.” Taas oo haddii dhab loo cabiro ka turjumi karta hayaanka iyo geediga ay u galayaan dal iyo dad aanay oqoon iyagoo maraya dhul, oomane lama degaan ah, mararka qaarkoodna gala meelo afsin ah.

Afsin haddii aynu u yara macnayno dhalinyarada yar yar, waa meel laba dhinac oo dagaalamaya u dhaxaysa oo dad iyo duunyaba colaad looga cararay. Sida ay dhalinyarteenu imika u baxaan iyo qabka midba meeshii Alle u qadaro uu ku gaadhaa way kala duwan tahay, sidoo kale waxa ka jira muran u dhexeeya dadka taageera iyo kuwa ka soo horjeeda.

Dhinaca kale waxa jira in aan wali dhinacna aan lagu tiirin cida leh eedeedda, hasa yeeshee waxa jira dad aaminsan in waalidku ka danbeeyo oo ubadkooda ay iyagu dirayaan oo qaarka  mid ah waalidku uba xaraashaan hanti ma guurto ah iyo mid guurto ah wixii ay hayaan. Sidoo kale Waxa jira doodo kale oo dadka qaar qabaan, kuwaas oo leh shaqo la’aanta iyo duruufaha dhaqaale ee dalka ka jira ayaa u sabab ah. Laakiin haddii si dhab ah loo eego midna ma laha masuuliyada, oo waalid-na ma jecla in ilmahooda ay galiyaan halis.

Waxa kale oo aan dood adag ahayn, in qofna aanu dhulkiisa uga tagin duruufo jira, oo waliba aynu nahay dad Islaam ah oo aaminsan in Alle qoray risiqeena. Haddaba waa maxay sababtu? Sida wakhti walba u leeyahay shay dunidda ka noqda kacaan oo kale ayaa tahriibku u noqday xiligan mid hayaankiisu dunida mashaqeeyay.

Inta badan waxa dhacda in dadka tahriibayaa ay sibiq dhaqaaqaan, ka dibna marka ay gaadhaan meel cid walba ka damqan karto ay soo dirsadaan qaylo dhaan.

Marka taasi dhacdo waxa khasab ku noqonaysa cid kasta oo ehel ama waalid u ah in sidii loo furdaamin karo la galo, waayo? Xoola dirqi lama waayo. Aynu wax yar ka soo qaadano sheeko la ii Wariyay Qadar Kooban oo aan ku sugnaa Magaalada Tog Wajaale, taas oo ahayd wiil dhalinyaro ah oo ka tahriibay Hargeysa, waxa la sheegay in wiilkaasi wax lacag ahba haystay $ 30 (sodon dollar), waxa uu raacay koox saaxiibadii ah, markii la gaadhay magaalada Addis Ababa ayaa intii yarayd ee uu sitay oo nool iyo sahaydii jidka ku dhamaatay, ay u ururiyeen wixii karaankood ahaa, ka dibna waxa la gaadhay dalka Suudaan, markii uu halkaa marayay ayuu qaylo dhaan telefoonka gawda kaga soo saaray, waxaanay taasi khasab ka dhigtay in reerkoodi amaah iyo aaqiibo wixii ay helayeenba u galaan, ka dibna furdaamintiisa la galay.

Sheekadani waxay markhaati kooban u noqon kartaa sida waalid badani aanay eed ugu lahayn tahriibinta caruurtooda, wallow ay jiraan kuwo iyagu go’aanka la qaata oo halkan ka diraa. Haddaba isku soo wada duubo arrinta tahriibku waa aafo dhamaan dunida saamaysay, oo waliba xiisa galinteeda ay qayb wayn ka qaadatay, xadaarada iyo horumarka aadamigu gaadhay, gaar ahaan isgaadhsiinta sidaa internetka oo kale.

Waxa jira dhalinyaro badan oo marka ay arkaan sawirada saaxiibadood oo isku soo sawiray meelo qur qurux badan u hilooba tahriibka. Hasa yeeshee may hubin halka ay isku soo sawireen saaxiibadood waxa ay ku hayaan iyo qiimaha ay ka leeyihiin.

Wajaale SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed