Socdaalka OBAMA ku Joogo Itoobiya Oo Saameeyey Dhaqdhaqaaqa Mandaqada Iyo Xukumadda Somaliland Oo Ka Hadashay
Hareysa July 27,2015(SDN/QJ) Xukumadda Somaliland ayaa adkaysay socdaalka islamarkaana hubinaysa dadka soo galaya iyo dadka ka baxaya dalka. Arrintan ayaa ka dambeysay dalabyo uga yimid wadamada jaarka ah maadaama Madaxweyne Obama dalka Ethiopia imanayo galinka dambe ee axadda. “Runtii waxa jira labada dal ee aynu jaarka nahay mar walba dareenkooda sare way na soo gaadhsiiyaan, iyadoo Madaxweynaha Maraykanku Kenya iyo Ethiopia , markaa runtii ammaanka ayaanu adkaynay si aanay wax ceeb ama amni darro ahi xaggayaga uga bixin, markaa xuduuda, madaarada iyo goobaha laga baxayo waanu adkaynay horena waanu u adkayn jiray laakiin, shaqadayada ayaanu laban laabnay” ayuu yidhi Taliyaha laanta socdaalka Somaliland oo BBC-da u waramay.
Dhinaca kale laanta socdaalka Somaliland iyo wasaaradda caafimaadka ayaa wada hawl gal dad Itoobiyaan ah dalka lagaga saarayo kuwaasi oo cuduro faafa qaba “Waxaanu todobaadkii hore dalka ka saaray dad Juudaan qaba, faro barar qaba, cudurada fida qaba oo tiradoodu dhan tahay 191, kuwaas oo aanu u dhiibnay xukumadda Itoobiya. meelaha aanu ka qabanay waxaa ka mid ah Gobolka Awdal, Gabiley iyo Caasimada” ayuu yidhi Taliyaha Socdaalku.
Taliyaha laanta socdaalka Somaliland waxa uu sheegay in hawl galkaasi oo sii socda haatan la ururiyay dad gaadhaya 70 oo laga Ururiyay meelo kala duwan oo dalka ah kuwaasi oo cuduro saameeyeen. Waxa uu sheegay inay xukumadda Itoobiya isla waafaqsan yihiin in dadkaasi lagu celiyo dalkooda.
Xigasho Hubaal