Siyaasiyiinta Somaliland ee Muqdisho Jooga oo Qaaddacay Guddi loo magacaabay Soomaaliya DAAWO
Muqdisho 26.Sep 2016 (SDN/QJ):-Siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, ayaa shaaciyey inay qaaddaceen Guddiga xallinta Khilaafka doorashooyinka Soomaaliya ee 2016 oo uu Garoowe kaga dhawaaqay Raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid Cali.
Siyaasiyiintan oo Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay inaanay waxba ka ogeyn go’aanka uu Raysal-wasaaruhu ku magacaabay Guddigaas, isla markaana ay tahay caddaalad-darro waxaan laga talo-gelin in lagu dhawaaqo, iyagoo sheegay inaanay Guddigaasi iyaga khusayn, sharcina ahayn, isla markaana aanay ku qanacsaneen ee ay qaaddeceen.
Haddaba, Hadalka Siyaasiyiintaas Somaliland u dhashay ee Soomaaliya ku sugan Shirkooda Jaraa’id iyo Sida Afhayeenkoodu u hadlay-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-