|

Siyaasiyiinta Magaca leh Oo Ka Warwarsan Khilaafka Hoggaanka Xukuumadda iyo Cabdiraxmaan Baadiyow Oo Ka Hadlay

Muqdisho:23-Nov-2013(SDN)-Inkastoo uu sii Xumaanayo  Khilaafka u dhexeeya Ra’iisal wasaare Saacid iyo Madaxweyne Xasan sheekh, Haddana waxa soo Badanaya Siyaasiyiinta Magaca leh ee Arrinta ka Hadlaya.

baadiyowC/raxmaan Baadiyoow ,oo ka mid ahaa musharixiintii isku soo taagay xilka madaxtimo ee dalka septembar 2012-kii ayaa  Noqday Siyaasigii ugu Dambeeyey ee Ka Hadla  khilaafka iminka u dhexeeya madaxda sare ee dalka .

Baadiyoow ayaa sheegay in khilaafka soo kala dhex galay madaxda sare ee dalka uu noqday mid caado ah isla markaana soo jireen noqday waxaana uu ku tilmaamay mid laga xumaado in xiligan ay is khilaafaan madaxda ugu sareysa dalka.“ waa wax laga xumaado arintan waxay noqotay mid soo laa laabata laga soo bilaabo sanadkii 2000 xilligii Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan ilaa xilligan aan joogno waxaan leeyahay xal aan khilaaf aheyn hala raadiyo” ayuu yidhi Baadiyoow.

 

Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisal wasaare Saacid ayaa Haatan ah mid xadhkaha Goostay una muuqda  mid aan xalkiisu muuqanin, waxana la filayaa inuu Dhawaan Codka Kalsoonida ah loo qaado Xukuumadda uu soo Xulay Ra’iisal wasaare Saacid.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed