‘’Siyaasiyiinta Koonfurtu ma laha Wax Siyaasad ah oo ay ka leeyihiin Midnimada,Markaa Somaliland wax Qorshe ah uma hayaan’’ Wasiirka Warfaafinta Somalia DAAWO
Muqdisho 05.July 2016 (SDN/QJ):-Wasiirka Warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay Wada hadalada Somaliland iyo Somalia Waxa uu sheegay in Siyaasiyiinta Somalia aanay ilaa hada hayn dariiqii lagu soo celin lahaa Midnimada Somaliland iyo Somalia Isla markaana ay ku Mashquulsan yihiin Siyaasada dhexdooda taala,Waxaanu intaas ku daray inuu aaminsan yahay in Arrinta Somaliland si Mug leh looga hadlo Isagoo xusay in Dawlada Cusub ee dhalan doontaa ay u taalo Wax ka qabashada arrintaas.