|

Siyaasiyiin Ka soo Jeeda Somaliland ee Ku Sugan Muqdisho oo Qaadacay Doorashada Dalka Somaliya ee November DAAWO

Muqdisho 10. October 2016 (SDN/QJ):- Shir jaraa’id oo  ay ku qabteen magaalada Muqdisho qaar ka tirsan golaha wasiirada dawlada Federalka iyo xildhibaano ka soo jeeda Somaliland waxaa  ay ku sheegeem  inaanay  ka qaybgalayn doorashada bisha November 2016 ka bilaabmaysa Dalka Somaliya.

 

Maxamed-Carte-300x200Siyaasiyiinta ka qaybgashay shirkan jaraa’id ayaa waxaa ka mid ahaa Ra’iisal wasaare  ku xigeen Somaliya Maxamed Cumar Carte,wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo xildhibaan Fowsiyo Xaaji Aadan iyo qaar kale.

 

Shirkan jara’id ayaa waxa ay ku tilmaameen in aanay  ka qaybgalin doorashada Somaliya  maadaama hore cabashooyin badan ay usoo  gudbiyeen dawlada islamarkaana aan waxba laga qaban.

 

Qaadacadaa Siyaasiyiintan kasoo Jeeda Somaliland ee Doorashada Dalka Somaliya ayaa culeys ku noqonaysa Doorashada dalkaasi lagu wado inay ka dhacdo Bisha November ee sanadkan maadaama Gobollo hore ay qaadaceen doorashadaasi.

 

Xubnahan Somaliland kasoo jeeda ee ka tirsan Dawlada Federaalka Somaliya ayaa cabasho ku aadan saami qaybsiga kuraas aqalka sare ee Somaliya u gudbiyay Guddida qabanqaabada Doorashooyinka dadban ee Somaliya.

Comments are closed