|

Siyaasiga Reer Somaliland Mudane Maxamed Ibraahim Qabo ayaa ku dhawaqay inuu u tagan yahay Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Kulmiye

London 1Jan14(SDN) Siyaasiga Reer Somaliland Mudane Maxamed Ibraahim Qabo oo aan kulan gaban kula yelanay xafiiskiisa ku yalaa london ayaa waraysi gaban oo uu siyey qurbejoog.com waxa uu u xaqiijiyey inuu u tagan yahay Musharaxa Madaxwayne ee xisbiga Kulmiye oo uu dhawaan ku soo biray isaga oo sheegay inuu taagero buuxda ka haysto Dhamaan xubnaha gobolka Maroodi Jeex, Iyo Gobolka Hawd isaga oo xusay in ay farxad u tahay in maanta la helay guushi gobolka Hawd oo an aan ahay ninka u tartamaya jagada Madaxwayne ee xisbiga Kulmiye ooah xisbi ay  tageero buxda ku leyahiin gobolka Hawd wana asaasayashii xisbiga   talada dalka Maxamed oo an wax ka waydinay shaqooyinkii uu soo qabtay aya waxa uu noo shegay in uu ahaa Aasasayashii wasarada cadalada Somaliland 1991 Madaxii shuruucda wasarada cadalada. Agaasimihii waaxda garsoorka wasarada cadalada ,Markii u danbaysana ahaa Agasimihii guud ee wasarada cadalada 2000kii Wuxuu wax ka sameyay shurucda somaliland qaar ka mida sida xeerka public notoryga( nootayoyinka) Xeerka xabsiyada Xeerka midayta cashuuraha ,Xeerka Garsoorka Iyo xeerkale Wuxu ka mid ahaa xildhibanadii dawlada hoose ee hargiesa ee 1998 Waxaa kaloo uu xilal ka soo qabtay ururada wadaniga ah ee Somaliland wadanka gudihiisa isaga oo ka mid ahaa asaasayashii xisbiga cadalada iyo daryeelka ee Ucid ahanaa xoghayahii Arimaha Gudaha waxa kale oo aha asaasayashii ururkii Xaqsoor , waxa kale oo tageero buuxda ka haystaa Deeganka Garoodi sida degmada sallaxley, Cadaadley iyo gobolka Daad madheedh , waxa aan la sadaalin donin dorashada soo socota ee xisbiga kulmiye oo qabsoomi dona bishan aan ku jirno21/1/2014 .

qabo

Comments are closed