|

Siyaasiga Cali Cabdi Awaare oo ku Dhawaaqay inuu u taagan yahay Jagada Madaxweyne ee Punt land {DHAGAYSO}

Garowe 10.Aug (SDN) Kulan uu saxaafadda ugu qabtay Magaalada Garoowe Siyaasiga Cali Cabdi Awaare ayuu si rasmi ah ugu shaaciyay musharax nimadiisa isagoo muujiyay waxqabadkiisa Hadii la doorto iyo qibrada uu u leeyahay.

” ..Sida aad ka war qabtaan muddo badan waxaan kasoo shaqeeyay Puntland, mar walbana waxan u heelanaa horumarka iyo waxqabadka Puntland laga soo bilaabo 1991-dii, waxaan kaalin mug leh ku lahaa aas-aaskii Puntland, siyaasi waxaa ka mid ah aheyd hadaladii siyaasiga Awaare.

Awaare ayaa horey Wasiirka Dowladaha Hoose ee Puntland usoo noqday waxaana lagu tilmaamaa Wasiirkii ugu horeeyey oo dhisay Wasaaradiisa iyo dhismihii Golayaasha deegaanka ee Puntland. Cali Cabdi Awaare ayaa sidoo kale mid ahaa musharaxiintii isu soo taagay Doorashadii Madaxweynaha ee 2009, xiligaasi oo uu guuleystay Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Cali Cabdi Awaare ayaa kamid ah siyaasiyiinta aadka ugu dhaw Madaxweyne Faroole, wuxuuna sidoo kale kamid ahaa Golaha Dhexe ee xisbigii Horseed ee xukuumada ee kamid ahaa ururadii isku dayey inay ka qeyb qaataan doorashadii fashilantay. Siyaasigan ayaa sidoo kale muddooyinkii danbe ahaa wakiil dowlada Puntland u fadhiya dalka Jabuuti.

Waa markii ugu horeysay oo siyaasi xulafo la ahaa Madaxweyne Faroole isu soo taago xilka Madaxweynaha, iyadoo la filayo sidoo kale in Madaxweyne Faroole markale ka qeyb qaato doorashada Madaxweynaha.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/awaare.mp3″]
Halkan Guji si aad Mobilkaaga uga dhagaysato hadalka Cali Cabdi Awaare

Garoowe SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed