|

Siyaasiga C.rashiid Xasan Mataan oo si rasmi ah ugu Biiraya Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani iyo Saamaynta Loolanka Siyaasiyiinta Gobolka Awdal oo Cirka maraya

Hargeysa 8. February,2016(SDN/QJ):– Siyaasiga C.rashiid Xasan Mataan oo hore u ahaa Murashixii Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbiga Ucid isla markaana Xilkaas iska casilay dabayaaqadii sannadkii tegay Kadib Markii Khilaaf Xadhkaha goostay uu soo kala dhex galay Gudoomiye Faysal iyo Murashixiinta Madaxtinimo ee Xisbigaas ayaa si buuxda u go’aansaday inuu ku biiro Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

 

ku biirisSiyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa intii Mudo ahayd Wuxuu Wada hadal u socday Hogaanka Sare ee Xisbiga Ucid Waxaana la rumaysan yahay inuu jiro Heshiis u dhexeeya labada dhinac,inkasta oo aan si cad loo soo bandhigin.

Qaban qaabadda soo dhawaynta Siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa Waxaa ku hawlan Xaflada lagu soo dhawaynayo isaga iyo Taageerayaashiisaba Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Waxaana loo Mudeeyay in 9 Bishan February,Isla markaana lagu qaban doono Huteelka Ambassador ee Magaaladda Hargaysa.

Si kastaba ha ahaatee Loolanka Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Awdal ee Ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa la filayaa inay Xaraaradiisu kor u sii kacdo Maadaama ay hore Loolan Siyaasadeed u dhexeeyay Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Waddani iyo Siyaasiga Maxamed Cali .

Comments are closed