|

Siyaasiga Aynu U Baahanahay Waa Siyaasiga Afyaqaana Dowladaha Jaarka Se Aqoonta Harvard iyo Nolosha Findland Maaha!!!

biixi yare

Ku dhawaad 25 sanno oo aynu soo jirnay waxa isku keen badalay tiraba ilaa afar madaxweyne. Afartaasi madaxweyne dalka waxa ay soo mariyeen marxalado iyo hanaano kala duwan oo aad u kala adkaa misena u kala duruufo badnaa. Madaxweynayaashaasi dhamaantood waxay ku suntanaayeen horumar iyo ku dadaalida sii waaritaanka waddanakani.

Qaar waxay u tafo xayteen soo noolayn rajada dadka iyo ciidaba oo waxay dadaal iyo haw l badan galiyeen sidii waddanku u heli lahaa jiritaan qaranimo amaba national entity waxa loo yaqaano, waydun ogaydeen oo waxa aynu ka soo bilawnay heer aanu jirin lacag dalkuu leeyhay, ciidamo qaran aanay jirin, dastuur aanu jirin, haykal cashuureed aanu jirin sida oo kalena aanuba jirin hanaan caafimaad,waxbarasho iyo siyaasadeedba.
Xafiisyada wasaaradaha qaar badan may ooli jirin kuraas marka laga tago halka kursi ee wasiirku ku fadhiisto.

Inbadan oo xafiisyo ahna haddiiba wafti soo booqdo waxa qasab ahaan jirtay in waftigaasi banaanka xafiiska iyo geedaha hoostooda lagu waraysto maadama oo ayna jirin gooba amaba wax kuraas ah oo wada qaadi karaayay, waxa kale oo jirtay in waddanku aanu amaan ahaan aad u dhisnayn oo waxaa meel kastaba yaacay dayday,jabhad xumaatay iyo fadhatooyin baahsan.

Magaalooyinka waaweyn qaar habeenkii lama dhex socin karin. Isla dhanka kale hanaan waxbarasho muu jirin.
Ma uu jirin manhaj la raacaa, dugsiyo dhisan oo leh qaab waxbarasho hadday tahay; qolal, sabuurad iyo kuraasba se kaliyaata waxaa jiray dugsi geedo hoostood ku yaalay, daasado kuraas ahaan loo isticmaali jiray, sabuurado jab ah oo kasoo lushay laamaha iyo caleemaha dushooda iyo macalin haysta kaliya jab tamaashiir ah.
Waxaa dhici jirtay haddii jabkaasi dhamaado inaan maalmaha qaar waxba la dhigan jirin.

Haddaba, nolosha caynkaasi ah ayaa dhamaanba madaxweynayaashii iyo siyaasiyiintii jirtay ee iska kala danbeeyay wax kasoo qabteen mid kastaaba door haku lahaatee.

Qaar waxay ku suntanyihiin dib usoo celinta hanaankii dawladnimo iyo siyaasadeed, qaar waxay ku suntanyihiin dhidib u taagida iyo horumarinta xidhiidhkii dalka iyo duwal weynaha caalamka ka dhaxeeyay halka qaar kalena awooda saareen horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo bilicda dalka.

Sidaasi aawadeed, iyada oo ay sidaasi tahay haddana waxa uu dalku u qabaa baahi weyn horumar intaasi ka laxaad weyn misena ka balaadhan oo noqda mid waara misena badhaadhe iyo barwaaqo dalka galiya.

Dalku waxa uu u baahanyahay xoojinta xuduudihiisa, midnimadiisa,karaamadiisa waddaninimo iyo jiritaankiisa gaar ahaaneed.

Intani oo kaliyaata maaha ee dalku waxa uu baahi weyn u qabaa horumarinta iyo soo celinta xidhiidhada caalamiga ah ee inaga dhaxeeyay waddamada aynu jaarka nahay.

Sidaasi daraadeed, si dalku tani u gaadho waxa aynu u baahanahay hogaamiye lasoo shaqeeyay waddamada jaarka ah, afyaqaana, dhaqan yaqaana, siyaasad yaqaana misena ay isla dalalkaasi laftoodu usoo joogsanayaan.

Sababta oo ah xoojinta xidhiidhkaasi waa mid saamaxaya helitaanka mucaawinooyin muhiim ah oo kaasoo gaadha isla dalalkaasi.

Sidoo oo kale dalalkaasinoon isfaham dheer iyo isdhex la samaynaa waxay saamaxaysaa inaan awood u yeelano inay inaga faafiyaan warar sugan oo ku saabsan jiritaankeena, waxay awoodayaan inay qadiyadeena iibgeeyaan sida oo kalena waxa ay inoo saamaxayaan inay inagu soo casuumaan shirarka heer caalami ah ee dalalkooda ka dhacaya.

Tusaale ahaan ethopia waa waddan aynu jaar la nahay waxaana ku yaala xarunta afrika looga taliya(african union head quarter) sida oo kale waxa la rajaynayaa in laga dhiso xafiiska seddexaad ee qaramada midoobay(largets third united nations headqurater), sidaasi aawadeed waxa uu xidhiidhkeena oo wanaagsanaadaa sababi karaa inay inagu soo casuumaan shirarkaasi oon goob joogayaal ka noqono ugu yaraan.
Waxa ay inaga caawin kartaa inaan iska kaashano waxkasta oo jiritaankeena cadaw ku ah iyo jabhado kasta oo lidi ku noqon kara jiritaankeena.
isla sidan oo kaliyaata maaha ee economical relationship ina dhex maraa waxa uu kor u qaadi karaa horumarkeena ganacsi iyo aaminada ay dalal badan oo adduunka ahi ku qabi karaan inay yimaadaan misena maal gashadaan dalkani.

Waxaan uga socdaa intani oo dhan siyaasiga fahmi karaa waa mid lasoo dhaqmay ethopia lana soo jaaray inbadan.

Dhanka kale, si isla horumarkaasi loo sii xoojiyo waa in siyaasaga somaliland u baahantahay 2017ka uu noqdaa siyaasi si lamid ah sida aynu ethopia xidhiidhka wanaagsan iyo is afgaradka siyaasi ula samaynayno mid isla djibouti la samayn kara oo afgaran kara.

Siyaasigaasi waa inuu ahaa mid saaxiibo siyaasadeed ku leh waddankaasi si ay u fududaato isdhexgalka labada wadani iyo wadaagista kulnada siyaasadeed.

Baahida uu waddankeenu u qabo ictiraafku waa ta koowaad ee inoogu muhiimsan se baahida aynu u qabno la macaamilka waddamada jaarka ah ayaa ah muhiimada koowaad ee aan u baahanahay sannadkani iyo ajandaha doorasho ee soo socdoba.

Muwaadin jaarkeena oon afnaqaanaa waa mid ka dhigan hanashada talaabada koowaad ee ictiraafka, jaarkeena oon xidhiidh wacani inaga dhaxayni waxba tari maayo maraykan oon la saaxiibnaa.
Sidaasi aawadeed aqoonta harvad taala iyo siyaasada findland kasoo guday midna ma noqon karto mid afgarata djibouti iyo ethopiaba .

Se waxa afgarankara ninka ku leh saaxiibada siyaasadeed ee ay is dhaqanka yaqaanan kuna kalsoon yihiin.

Muuse biixi waa siyaasiga kaliyaata ee talaabadani qaadi kara misena kasoo bixi kara.
Waxa uu saaxiib dhaw lahaa ethopia iyo djiboutiba muddo ku siman afartan sanno oo noloshiisa kamid ah, waa siyaasiga ugu safrida badan labadani waddan waana ka ay ugu kalsoonida badanyihiin.
Tiraba ku dhawaad 5 jeer ayaa lagu casuumay waddankaasi ethopia oo madaxda u saraysa ee dalkaasi casuumeen 2013 markii isugu kaayo danbaysay ee aanu ku kulanay ethopia muuse waxa casuumay xisbigaasi EPRDF IYO RAYSAL WASAARAHA ETHOPIA, waxaan lagu qaabilay hanaan la dhigma ka dublumaasiyiinta caalamka lagu soo dhaweeyo.
Waxa lagu soo dhaweeyay loona diyaariyay hotel caalami ah oo ambassador hotel la yidhaah, waxaa la siiyay dirawal iyo gaadhi u gaar ah oo numberka dawlada leh isla intani oo kaliyaata may ahayne waxa u gaar ahayd oo markasta gaadhigiisa hor socotay markuu meel u baxaayaba mootooyinka taarifakadu kaxaysato.

Haddaba,siyaasiga aynu u baahi qabnaa waa kaasi bulshada jaarkeenu cisaynayso ee saaxiibka la tahay.

Dhanka kale muuse waxa sidan si lamid ah uu saaxiibo dhaw ula leeyahay waddankaasi djibouti oo ku sharaftay inay siiyaan baasaboor sharafeed uu waddankeedu leeyahay.

Haddaba aan ku waydiiye miyaanu ahayn ninkani ka la gorgortami kara isla waddamadaasi oo ah kuwa uu ku xidhanyahay ictiraafkeena iyo gooni isutaageenu?.
Muuse waxa uu saamixi karaa doorkani haddiiba uu jagada ku guulaysto inuu wadahadal iyo isu tanaasul la yeesho beelaha darafyada, waxa kale oonu shaki ku jirin isla haddiiba uu doorashada ku guulaysto muuse uu wasiirada ugu badan iyo tixgalinta ugu badan siin doono beelaha darafyada iyo garxajis; si uu u sameeyo waddan aan waxba madaxweynaha laga tirsan oo saamaxa in loo wada sinaado misena layska dhex wada arko.
Waxaan dhici doonin haddiiba uu guulaysto in beeshiisu noqoto ta ugu dheefta badata se sida haddaba uu yahay si lamid ah dadka iyo dalkuba ugu wada sinaan doonaan.

Sida oo kale doorashada muuse waa mid saamixi doonta in kalsooni wayn lagu qabo sii jiritaanka somaliland iyo in cadawga somaliland dib u qaadaan talaabooyin ay kaga caagayaan gooni isutaageena.
Waxa uu dalku aad uga liitaa baryahani dhanka militariga iyo ciidamada kala duwan oo ah meesha bulsho iyo waddan laga dheehdo jiritaankiisa sidaasi daraadeed waxa uu muuse awood iyo kobcin xoogleh siin doonaa ciidamada kala duwan ee dalka si ay uniqdaan qaar cadawgu ka naxo misena aanu kusoo hiran.

Dhanka horumarka iyo dhaqalaha waxa aad aan ugu rajo weynahay inuu waxbadan ka qaban doono. Macnuhu maaha ninka dhaqale yahanka ah uun baa horumariya dhaqaalaha se siyaasi kasta oo furfuran yaqaanana baahida dalkiisa waligiina ka dhex bixinna waxa uu awood u leeyahay inuu yagleelo tiim kala shaqeeya qaabaynta iyo horumarinta dhaqaalaha, tusaale ahaan: OBAMA muu ahayn dhaqaale yahan lagumana dooran dhaqaale se waxa lagu doortay in oa arkay inuu dhibtaasi wax ka qaban karo isaga oo looyar ah sidaasi aawadeed waxa uu dhistay dawlad la shaqaysa oo wax qabata sidaasi baanu hadda ku horumariyay amerika(markaasi waxa aan ku doodaa markasta muhiimadu inaanay aahayn aqoonta dhaqaale se ay tahay aragtida siyaasiga).jamaal waa dhaqaale yahan waxba tari mayso kol haddiina aanu lahayn aragti siyaadadeed oo dheer.

Jamaal waxaan ugu mahadnaqaa inuu yahay qof sharaf leh, dhaqan leh se waxaan leeyahay jamaalaw waxaad leedahay awooda aad ku maamushid maamul shaqaynaya se ma lihid awooda aad ku maamushid meel hadda u baahan yabyabid se dalku waxa uu u baahanyahay ciid yaqaan,dad yaqaan iyo taariikh yaqaanba se intaasi maaha jamaal ee waa wiil ‪#‎thecnocrat ah oo u baahan inuu ka shaqeeyo meel dad aqoon leh oo xirfad lihi joogaan.

Halkanina maaha halkaasi, se waa qaran la yidhaah somaliland oo u baahan afgarasho caqli iyo waayo aragnimo ku dhisan.

Sidaasi aawadeed haddiiba aynaan isyeelyeelayn waa aynu dareemi karnaa baahida uu dalku u qabo muuse biixi cabdi inuu hoogaamiyaa ta ay tahay.

Waxaan qoraalkayga kusoo koobaayaa markii maraykanku dooranayay W.BUSH oo ahaa askari oo ka guulaystay dhigiisa oo ahaa rayid, waxa ay dadyawga maraykanki eegeen xaalada iyo waqti xaadirkaasi waxa loo baahanyahay.

Dhanka kale, ethopia waxa ay samaysantay tareen ay ku baxday 500million oo dollarka maraykan ka ahi, isla intan uun mahaa ee waxa ay qodaan dhaam biyood hydro electric powerka kasoo baxa loo dhoofin doono waddamada geeska afrika ku yaala oo malaayiin dollar ku baxeen iyo sida oo kale waxa hadda qorsheha ugu jira samaysashada eeriboot heer caalami ah oo waliba ah nooca loo yaqaano MEGA AIRPORT haddaba waxani ma ahayn wax cirka kasoo dhacay se waxa uu ahaa 20 years transformationla plankii uu dajiyay Melas zenawi oo jabhad ahaa iyo tiimkiisa( tani waata u soo jiiday ethopia inay noqoto maanta waddanka geeska afrika ugu nimcada iyo horumarka badan) haddaba maaha mujaahidnimadu mid sinaba ku leh saamayn dhanka xun ah aan ka ahayn in sidaasi si lamid ah aan ugu hanweynahay muusena inuu yeeli doono.

Bulshadeenu ha qaadato aragtida caafimaadka qabta iyo tusaalayaashaasi nool nool.

Haddaba, waxaan leeyahay doorashadeenu ha noqoto mid miisaaman caqliyan iyo caadiyanba
oo yayna noqon laab lakac iyo isku khuukhin laynagu khuukhiyo aqoonyahanka raac, se ha noqoto waayo araga dalku u baahanyahay raac.

Muuse waxa uu civil yahay muddo hadda ku siman 31 sanno oo kasoo bilaabanta 1981kii markuu uu u talaabay SNM intaasi wixii kadnabeeyay ilaa maantana waxa uu ahaa shicib(jabhadnimadu may ahayn shaqo askarinimo se waxay waajib qaran iyadu) haddaba ninka intaasi soo ahaa shicib waxaan qabaa inuu yahay ninka aynu ugu baahida badanayahay ee aynu tabayno .

Dalku hadda waxa uu u baahanyahay nin afgarankara dawladaha jaarka oo la saaxiiba ah.

Nin soo dhawryn kara darafyada iyo mucaaridka somaliland.
Nin cadawga somaliland ka istaagi karo.
Nin waayo arag usoo ahaa waxa dalku soo maray, waxa uu ku suganyahay iyo halka loo socdo.
Nin fahmi kara duurafaha gaarka ah ee deeganada oo dalyaqaan ah.
Nin aan dalka ka tagin waligii daganaa oo lexo jeclo ka hayso misena haddii ay dhibi timaado isaga iyo caruurtiisuba inala qaybsanayaan.
Nin 30 sanno siyaasada kusoo jiray(waayo aragnimo iyo suyaasinomo kaweyn oo la doonayo ma garanayo).

W/Q: Mohamed Abdilaahi Biihi.
Addis ababa ethopia.
Medical student and political observer.
Facebook: Drkingbiihi Yare

 

Comments are closed