|

Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade oo Somaliland ka rajo dhigay iyo Halka uu u Jihaystay

Hargaysa 07.Aug 2014 (SDN/QJ)- La-Taliyaha Arrimaha Doorashooyinka ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo Mudane Axmed Cabdi Xaabsade oo haatan Ku sugan Magaaladda Jigjida ee Ismaamulka Somalidda Ethiopia ayaa La Filayaa inuu u Baqoolo Dhinaca Magaaladda Saaxdheer ee Gobolka Sool Halkaasi oo la filayo inuu uga sii gudbo magaaladda garoowe ee maamulka Putland kadib markuu ka qayb galo dhismaha kooxda Khaatumo.

XaabsadeAxmed Cabdi Xaabsade oo hore uga mid ahaa Xukumadda Kulmiye kana soo qabtay Wasiirka Warfaafinta ,Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyayta Ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay niyad jab ka Taagnaa Xukumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu hadda ka hayo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka.

Mudane Axmed Cabdi Xaabsade oo wuxuu ka mid ahaa Ragii salka u dhigay aas aaska maamulka Puntland wallow markii dambe ay xuruf xoogani soo kala dhexgashay madaxweynihii hore ee Puntland General Cadde muuse iyo Axmed Cabdi Xaabsade wakhtigaasi kadib Axmed Cabdi Xaabsade wuxuu Saaxiib dhow la ahaa madaxweyne Daahir Rayaale kaahin oo uu u sahlay inuu Gacanta ku dhigo Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka sool.

Madaxweynaha Maamul Gobolkeeda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaasi ayaa u Arka imaanshaha Axmed Cabdi Xaabsade ee magaaladda Garoowe guul weyn oo uu ka gaadhay dhinaca Goboladda sool iyo Sanaag waxaanna halkaasi hore u joogay Garaad Abshir oo ka mid ahaa aas aasayaashii Maamulka Puntland.

Axmed Cabdi Xaabsade La-Taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha Doorashooyinka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay dhaliilo jeedinayay xukumada Xisbiga Kulmiye wuxuunna muddooyinkii ugu dambeeyay isku day inuu ku biro xisbiyadda Mucaaradka balse arrintani ayaa u muuqata mid u cuntami weyday Axmed Cabdi Xaabsade maadaama uu la qabsaday muxaafidnimadda ilaa sanadkii 2003.

Siyasiga Axmed Cabdi Xaabsade ayaa waraysyadiisii ugu dambeeyay sheegay inaan xukuumadda Somaliland ee xilka haysaa aanay waxba ka waydiin dhaqdhaqaaqyada ay ka waddo gobolka Sool “Intii muddo ahaydba waxayagii madaxda ahaa wax lanagama weydiiyo, khaas ahaan anigoo keenay gobalka Sool oo Somaliland ku soo daray, nasiib darro ayay noqotay inaan maanta waxba layga weydiin gobalka Sool, aad iyo aadna waan uga xumahay waanan qoomamaynayaa, khaladkaygana waan qaadanayaaā€¯. Ayuu yidhi Axmed Cabdi Xaabsade

Geesta Kalenna Axmed Cabdi Xaabsade La Taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Doorashooyinka oo waraysigii ugu dambeeyay Siiyay Tv-ga Horn Cable ayaa sheegay inuu Go,aan ka Gaadhayo La Shaqaynta Xukumadda Kulmiye .

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed