|

Siyaasiga Abiib Timacad oo Daboolka ka qaaday inuu Ku Biirayo Xisbiga Waddani, Kaalinta uu Ku Leeyahay Gobolka Gebilay & Cida Ku Wehelinaysa Ku Biiristiisa Waddani DAAWO

Hargaysa 05. July 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Abiib Diiriye Nuur oo ku Magac dheer Abiib Timo Cad ayaa si rasmi ah u Shaaciyey inuu la Midoobi doono kuna biiri doono Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Abiib-timcad oo la hadlaya taageerayaashiisa wuxuu yidhi, “Taageerayaashayda oo aan badankooda uga waramay arrintan, waxaan haddana u sheegayaa inay sidaas ula socdaan, waxaanan taageerayaashayda uga mahadcelinayaa sida ay 30-kii sannadood ee u dambeeyay ii soo garab taagnaayeen.” sidaas ayuu Abiib Diiriye Nuur ku soo gunaanaday hadalkiisa.

 

Abiib-timacad ayaa KULMIYE ka tirsanaa 12-kii sannadood ee u dambeeyay, isagoo horena uga tirsanaa xisbigii UDUB, waxaanu ka mid noqday siyaasiyiinta KULMIYE sida weyn u gaadhsiiyay gobalada galbeedka oo la aaminsanyahay inuu Abiib ka yahay jookar siyaasadeed, waxaanu qayb weyn ku lahaa guushii KULMIYE ee doorashadii 2010, waana sababta uu hadda isugu arko inuu Waddani u horseedayo guul siyaasadeed oo horleh.

 

Abiib ayaa golaha wasiirada Madaxweyne Siilaanyo iska casilay bishii March ee 2015, waxaanu is casilaadiisa sabab uga dhigay xaaladda dalka oo halis ku jirta.

 

Abiib ayaa afartii madaxweyne ee soo maray Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu mid walba ka mid noqday golihiisa wasiirada, waxaanu hore uga mid ahaa mujaahidiintii SNM ee dalka xoreeyay oo uu ku jiray dhawrkii mujaahid ee ugu hor talaabay.

Comments are closed