Siyaasi Yaasiin Fartoon oo Xilal kala Duwan ka soo qabtay Somaliland oo Si balaadhan Laascaanood loogu soo dhaweeyay DAAWO
Laascaanood 27,March,2016(SDN/QJ):-Siyaasi Yaasiin Maxamud Faratoon oo ka Mid ah Siyaasiyiinta Gobolka Sool Mudo badana ku maqnaa dalka Dibadiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaaladda Laascaanood.
Siyaasiyi Yaasiin Faratoon Xiir ayaa Xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumadii uu Hogaamin jiray Madaxweynihii Geeriyooday ee Jamhuuriyada Somaliland Marxuun Cigaal isagoo Mudooyinkii ugu danbeeyayna ku noola dalka Ingiriiska.