|

Siyaasi Xasan Guure oo eedaymo adag u soo Jeediyey Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta,Cali Guray oo Taageeray iyo Xildhibaan Dheeg oo la Saftay Wasiirka DAAWO

Hargaysa, 23 August, 2016-(SDN/QJ): – Siyaasi Xasan Guure ayaa ku eedeeyay Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta inuu Si Xaaraan ah Guryo uga dhistay hantidii uu Qaranku ku aaminay.
Xasan Guure oo daba Socday Hadal uu Todobaadkii Hore Warbaahinta Siiyey Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta.

Sidoo Kale Cali Guray ayaa Qoraal uu dhigay barta Facebook uu ku Leeyahay Waxa uu ku Sheegay Sidan:-
Wadaadku waa laba ALLA YAQAAN IYO LACAG YAQAAN. Maanta waxa culimo inoo sheegta kuwo lacag yaqaano ah oo hamigooda ugu wayn iyo inta cilmigoodu uu gaadhsiisan yahay aanay aduunyo dhaafsiisnayn oo lacag iyo xukun u waashay. Intii xukuumadani ay joogtay ayay sidii maroboobta inagu marmeen. Waxa xumaan dalka ka dhacaya iyo boobka iyo dhaca iyo eexda iyo musuqmaasuqa mar keliya kama hadlaan waayo iyaga laftooda ayaa ku jira oo qayb ka ah. Markaasay inamaa sidan u xiirtay iyo inan baa heestay iyo Baananku waa xaaraan waxaa inagula meeraystaan.
Sucuudigii waxaa diin uga soo dhigay ayaa yaabay oo kala diray mudawaciintii sida kuwan ahaa oo culimadii Azhar ee uu ka soo horjeedi jiray dib ugu soo noqday markii Caalamul Islaam oo dhami wareeray ee isagii lagu eedayay in waxaa dunida ka dhacaya uu sal u yahay fikirka Al wahaabiya la yidhaa oo Sucuudiga lagaga soo faafiyay dunida Islaamka. Kuwaa ayaa ku meeraysta waxay iyagu xaaraameeyaan iyo wax ay iyagu xalaaleeyaan dadka diin uga dhiga. Bal inta kan Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta ayaan ahay leh agtiisa xumaan ka socota ee hadii aanu qayb ka ahayn uu raalida yahay eega ee weliba doonaya inu wax wayn oo dembi ah inooga dhigo inan dhalinyaro ah baa sidan u xiirtay iyo inan fanaanad ah baa heestay.
Intii xukuumadani jirtay ayay sidii maroboobta inagu marmeen lakiin walee jabkoodi wuu soo socdaa oo Ilaahay baanay wax ka qarsooni jirin oo arkaya inay diintii islaamkaba ka dhigteen waxay ku maxaafsadaan oo lacag ku hel iyo xukun ku gaadh uun u haystaan lakiin iimaankoodu naaqus yahay dadkana hodayaan oo culimo isaga dhigaan
Dhinaca Kale Xildhibaan Dheeg oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida ayaa Taageeray Mawqifkii Ay Wasaarada Diinta Iyo Awqaaftu Ka Qaadatay Bandhig Faneedyada Iyo Tima xiirista.

Comments are closed