|

Siyaasi u Sharaxan Madaxtinimada Puntland oo ku Baaqay in Baarlamaanka laga Saaro Xildhibaanada Sooliyo Sanaag

Garoowe July 29,2013(SDN)-Siyaasi u taagan xilka madaxweynenimo ee maamul-goboleedka Puntland ayaa sheegay in gebi ahaanba baarlamaanka Puntland laga saaro xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag.

Musharaxa madaxweyne Maxamed Maxamuud Xirsi ayaa sidaa saxaafada u sheegay mar uu ka hadlayay goaan dhawaan ay gaaren baarlamaanka Puntland oo lagu sheegay in xildhibaanada cusub lagu soo dooran doono nidaamka qabiilka.

“Sool iyo Sanaag waa hore ayaa Somaliland lakali noqotay maamulkooda. Sidey ku suura gelee in Xildhibaanno halkasi kasoo jeeda ay baarlamaanka noogu jiraan hadiiba qabiil leesku dooranayo. Waxa ay baarlamanka kasii mid ahan karaan oo kali ah hadii doorashu ay tahay heer gobal”, Maxamed Maxamuud Xirsi ayaa soo jeediyay.
Soo jeedintan ayaa Guux siyaasadeed ka dhex abuurtay masraxa siyasadeed ee Puntland oo haatan ku jirta xili dib isu habeyn ah.
Ma cada sida soo jeedintani suurtogal u noqoneyso mar hadii aanu maamul-goboleedka Puntland aanu ka tanaasuleyn sheegashada gobolada Sool iyo Sanaag.
SDN-Garoowe
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed