|

Siyaasi Somaliland Dillaal Uga Ahaa Maleeshiyo Beeleedyo Dhawaan Ku Soo Biiray Oo Garowe Lagu Xidhay

Garowe:01-Janu-2013(SDN)-Wararka Naga Soo Gaadhay Magaalada Garowe ee Maamul-Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in xalay Siyaasi Cabdiraxmaan Xirsi Uurbeyte lagala Baxay Hutel uu ka Deggenaa Magaaladaas.

 

uurbayteSiyaasigan ayaa sida ay  sheegayaan Goob Joogayaal ku sugnaa Hutel Global oo ah meesha uu Deggenaa, ayaa xaqiijiyey in  Xalay ciidan Hubaysan oo loo malaynayo inay ahaayeen kuwa Maamulku ay la Baxeen siyaasiga iyadoo aan wali la soo sheegin goobta rasmiga ah ee la geeyey iyo Sababta loo xidhayba.

Cabdiraxman Xirsi Uurbeyte, ayaa isagu  Horraantii sanadkan Somaliland ula soo Galay Ciidan Tiro badan oo Hubkiisii iyo Tiknikodiisii wata, waxana Deegaanada Tuka Rag kaga Hor tegay Wasiirro culus oo xukuumadda ka Tirsan, halkaas oo sida la shegay lagu qarameeyey ciidankii u watay.

Siyaasigan ayaa ka soo jeedaa Deegaanka Gobolka Sanaag, waxana uu muddo badan la soo shaqeeyey maamulka Puntland, iyadoo intii Dambena ay si weyn isu hayeen Madaxweyne Faroole oo haatanna loo malaynayo inuu isagu ka dambeeyo xadhigiisa.

 

Sidoo kale Uurbeyte waxa uu in badan ku sugnaa oo uu joogay Magaalada Hargeysa, isagoo kulamo kala duwan Madaxtooyada kula yeeshay madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirrada u dhawdhaw, isla-markaana ku wargeliyey inuu diyaar u yahay qabashada xil u cuntama Haddii la siiyo, waxana la sheegay in madaxweyne Siilaanyo dhawr jeer dib u dhigay Ballamo uu ugu  sameeyey inuu isku shaandhaymo ku dari doono  balse taasi ma ay dhicin.

 

Siyaasigan oo aan xidhiidh fiicani ka dhaxaynin Madaxweyne Faroole, ayaa haatan aan si fiican loo ogayn sababta geysay Garowe, waxana loo malaynayaa inuu Hoosta ka watay qaar ka mid ah musharixiinta madaxweyne ee Deegaankaas, kuwaas oo ballamo hoose u sameeyey.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed