Siyaasi Samaale Oo Ka Hadlay Xanuunka Tartanka Iyo Xummada Kursiga, Iftiimiyeyna Sababaha Tanaasulka Siilaanyo DAAWO
Hargaysa 02. April 2017 (SDN/QJ):-Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa ka hadlay culeyska ay leedahay tartanka doorashadu iyo sababaha uu filayo inuu Madaxweyne Axmed-Silaanyo uga tanaasulay inuu mar labaad is sharaxo, iyo waliba kaalinta uu ka qaadan doono tartanka uu Muuse Biixi ugu tartami doono Doorashada jagada Madaxweynaha Somaliland ee la filayo inay qabsoonto dhamaadka sanadka 2017.
Cabadicasiis Samaale ayaa arrimahan kaga hadlay khudbad uu ka jeediyey casuumad uu Shalay Wasiirka Madaxtooyadu u sameeyay Garabka Haweenka ee Xisbiga KULMIYE.
Samaale oo ka hadlaya sababaha uu u malaynayo in Madaxweyne Silaanyo uga tanaasulay inuu mar labaad is sharraxo ayaa waxa uu yidhi “Madaxweyne Axmed-Silaanyo wuxuu ku eekaystay inuu ku joogo doorashadaa hore oo aanu tartan doorasho oo labaad aanu gelin, asbaabaha ugu muhiimsan ee uu uga hadhay in uu mar labaad galo, waxa laga yaabaa in dad badani yidhaahdaan Axmed waa da’ oo wuxuu doonayaa inuu yara nasto, laakiin kursiga lagama nasto ee waa lagu dul nastaa, waxaan se is-leeyahay runtii inay laba sababood tahay, inkasta oo aanan anigu Madaxweynaha weydiin maxaad marka labaad u tartami weyday, laakiin laba sababood ayuun baan is idhi oo kala ah isaga oo soo arkay dhibaatada ay leedahay dadka marka aad tidhaahdo I doorta oo cod I siiya, dhib weyn ayey leedahay Madaxweynuhu 2002-dii ayuu aasaasay Xisbiga Kulmiye, wuxuu yidhi cod I siiya si uu xisbigu u soo baxo, wuu soo baxay, 2003-dii ayuu tartamayey oo uu yidhi cod I siiya waa la siiyey oo 80cod ayuu ku hadhay, 2010-kii ayuu haddana yidhi cod I siiya, taasoo uu ku guuleystay, markaa dhibaatada ay leedahay aad ayuu u dareemayaa, arrinta labaad ee aan isleeyahay waa isaga oo dadkiisa iyo dalkiisa u tudhayaa oo uu ogyahay tartanka labaad ee uu mar kale galaa culeyska ay leedahay Xisbiga gudihiisa iyo Xisbiyada Kale, iyada oo aynu arkayno in ay Afrika ku yar tahay in qofku isaga oo markii labaad uu hadhsan yahay uu yidhaahdo ma tartamayo”.
Samaale intaasi waxa uu ku daray “Arrin sahlan maaha qofka cod ka doonaya dadka, Muusoow, dhib aad iyo aad u weyn ayaa haysata qofka dadka cod ka doonaya oo arrin sahlan maaha”.
Dhinaca kale, Samaale waxa uu ka hadlay Tartankii Xisbiga Kulmiye dhexdiisa “Tan inaga dhexdeenu iska caantayn bay aheyd oo way iska fududeyd, Xisbigaaga gudihiisa waa lagu tartami karaa, qofku inuu han-yeesho ceeb maaha, ee waxyaabaha maamuuska lagu yeesho, laakiin go’aanka danbe ee aad qaadanayso ayaa qiimihiisa leh”.ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Xisbiga gudihiisa ayaa dagaal adagi ka socday, waa laga heshiiyey oo waa lays saamaxay oo waa lays xaal mariyey, waa lays jeclaaday oo waa lays dhisayaa, haddii aanu gudahayaga tartamaynay markaa qofkii wanaagsani wuu ku farxi caddowguna wuu ka nixi, Sidaa awgeed waxaan leeyahay walaalkay Muuse Biixi, haddii aynu shalay Xisbiga gudihiisa si adag isugu haynay waxaad ku bushaaraysataa annaga oo ku dhisayna oo kula barbar taagan hiil iyo hoo”.Ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale