Siyaasi Saaxiib Dhow la ah Madaxweynaha Ruushka oo la Filayo inuu Noqdo Xoghayaha Cusub ee Arrimaha Dibada ee Maraykanka
Washington 14. December 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha Cusub ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa la filayaa in wasiirkiisa arimaha dibada dalkaasi uu u magacaabo Nin ay saaxiibo dhow ay yihiin Madaxwaynaha dalka ay aadka u ficil taman dalka Maraykanka ee Putin.
Ninka la filaayo in uu qabto xilka wasiirka arimaha dibada Maraykanka ayaa waxa lagu magacaabaa Rex Tillerson kaasi oo sida warbaahinta ka soo baxda dalka Maraykanku ay maanta baahiyeen in ay saaxiibo dhow yihiin MAdaxwaynaha Dalka Ruushka Vladamir Putin.
Ninkan ayaa waxa hore Bilad sharaf u gudoonsiiyey Madaxwayne Putin kaasi oo xiligaasi cambareeyey cunaqabatayntii dalkaasi ku soo rogay dalka Ruushka dadka reer Maraykan ayaa la filayaa in ay si wayn uga soo hor jeestaan hadiiba Madaxwayne Donald uu isku dayo in uu ninkaasi ka dhigo Wasiirka arimaha dibada ee Dalka Maraykanka.