|

Siyaasi reer Jabuuti oo cadeystay neceybka qaar ka mida Bulshada dalka

Jabuti Feb 25,2012(SDN)-Siyaasiga Aadan Rooble Cawaale oo hore u ahaa madaxa xisbiga PNP ayaa qoraal uu shaaciyay waxa uu uga hadlay sida beelaha reer Jabuuti u kala mudan yihiin qabashada xilalka dawladeed ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

Aadan Rooble ayaa qoraalkiisa ku sheegay in beesha uu ka soo jeedo ee Ciisaha iyo Qowmiyada Canfartu yihiin cida qudha ee ee Jabuuti xil dawladeed ka qaban karta.

Aadan Rooble ayaa Shacabka Jabuuti ee kale ku tilmaamay in ay yihiin dad qaxootiya oo dalka aan xuquuq siyaasadeed ku leheyn oo ay tahay uun in ay ganacsiga ku ekaadaa.

Madixii hore ee PNP ayaa cadho ka muujiyay natiijadii dhawaanta ka soo baxday doorashooyinikii golaha degaanka oo si siman loogu soo baxay.

Aadan Rooble oo iminka siyaasadii laga reebay ka dib kolkii xisbigiisu ay jagadiisii u doorteen nin uu sheegay in uu darewal u ahaa ayaan iminka wax miisaan siyaasadeed dalka ku leheyn.

Mucaaridka Jabuuti ayaa wada haatan dedaalo lagu unkayo dalad balaadhan oo ay ku mideysan yihiin dhamaan qeybaha ay bulshada reer Jabuuti ka kooban tahay.

SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed