Siyaasi Kasoo Aayo Waayey Koonfurta Somalia Oo Kusoo Wajahan Somaliland Iyo Tanaasulkiisa Mabda’iisii Soomaaliweyn
Nairobi:June,18,2015(SDN/QJ)-Ismaaciil Horre Buubaa oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland, balse muddo dheer Aaminsaa Mabda’a Somaliweyn, isla-markaana xilal kala duwan kasoo qabtay Dawladihii Soomaaliyeed, shaaciyey inuu haatan ka noqday wixii uu hore u aaminsanaa.
Siyaasi Ismaaciil Hurre oo u waramayay Telefishanka Horn Cable ayaa sheegay in uu dib ugu laaban doono Somaliland, isla-markaana ay labada dal ee Somaliland iyo Somalia u wada hadli karaan iyaga oo isbarbar taagan.
Ismaaciil oo u xadhko xidhan socdaal uu somaliland ku yimaaddo, ayaa sharraxay mawqifkiisa iyo sida ay maanta lagama maarmaanka u tahay inuu qof waliba halka uu kasoo jeedo la fikir noqdaa,“In muddo ah su’aashaas dhawr sannadoodba waa lay waydiinayay aniguna Somaliland waan tegeyaa baan lahaa , sideedabana mawqifka siyaasadeed ee aan aaminsanahay qof Soomaaliya ayaan ahay oo Soomaalinimada jecel. laakiin maanta siyaasadda ka socota geyiga Soomaaliyeed waa mid ay lagama maarmaan tahay in cid waliba halka ay ka soo jeedo ay ka dhaadhiciso mawqifkooda siyaasiga ahi sida uu yahay, sidaas aawadeed waxaan tegayaa Somaliland.anigoo maanta arka in mawqifkii hore ee aanu aaminsanayn ee aanu lahayn midnimadu dusha ha ka timaado immika aanu odhanayno wax aan hoosta laga heshiin inaanay dhacayn midnimaduna ay ku iman karto iyado wax walba raalli layska yahay, sidaas darteed waxaan goostay inaan ku noqdo dadka aan ka dhashay iyo Somaliland oo maanta halka ay taagan tahay oo ah in la noqdo laba qaybood, qayb uu ingiriisku xukumi jiray (Somaliland) iyo qayb talyaanigu xukumi jiray (Soomaaliya) oo mid kastaaba uu gooni u taagan yahay, taasna maanta waxa aan arkaa inay tahay mid xagga Koonfurta iyo xagga waqooyigaba ay dantoodu ku jirto oo ay noqdaan laba dal oo walaalo ah oo wada shaqayn kara oo is difaaci kara, maantana arrintaasi waa mid ay dani ugu jirto xaalada ka taagan Koonfur iyo dib u gurashada ku dhacday dawladdii dhexe iyo maamulladan badan ee la samaynayo.Sidaas darteed [xalku waxa uu noqonayaa] in qaabkaas cusub ay labada State [qaran] mid federaal u shaqaynaya iyo Somaliland oo goonideeda u taagani ay wada shaqeeyaan” ayuu yidhi Ismaaciil Hurre Buubaa.
Sanadahan dambe waxa soo badanayey siyaasiyiinta u dhalatay somaliland ee kasoo noqonaysa Fikirkii Soomaaliweyn ee ay hore u aaminsanaayeen, waxana hore usoo noqdaay rag ay kamid ahaayeen Siyaasi sifir oo xilal kasoo qabtay Dawladda Somalia.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com