|

Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo Dib ugu Laabtay Fankii iyo Madadaalooyinkiisii+ Madal Faneed oo uu Ka Soo Dhex-muuqday+[SAWIRO]

Hargaysa 29. December 2016 (SDN/QJ):- Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo hore u ahaa Murashaxii Madaxweynaha Xisbiga UCID, balse haatan ka tirsan Xisbiga KULMIYE, ayaa dib ugu laabtay shaqaddiisii fanka iyo madadaalada ee uu hayey ka hor intii aanu ku soo biirin saaxadda siyaasadda, waxaana uu si kedis ah uga soo dhex-muuqday madal faneed oo talefeeshanka cusub ee Waaberi uu ku duubaayey Barnaamij heeseed ay ugu diyaar garoobaayeen debbaal-degga sannadka cusub ee 2017ka.

Barnaamij Faneedkan heesaha lagu duubaayey oo lagu qabtay xarunta maqaaxida Hiddo-dhowr ee Hargeysa isla mar ahaantaana uu daadihinaayey Abwaanka weyn ee suugaan dhaadhiga ah sida oo kale na wariyaha ah ee Cabdi Good, ayaa waxa ka soo qeyb-galay fannaaniin, abwaano, dhallinyaro, haween iyo koox wariyeyaal ah, waxaana si gaara looggu soo marti-qaaday siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo ah nin abwaan ah isla mar ahaantaana hore u tiriyey midhaha heeso badan oo ay qaadaan fannaaniin caan ka ah geyiga Somalida oo idil.
Ugu dambeyn, barnaamij faneedkan heesaha lagu duubaayey ee uu ka soo qeyb-galay Jamaal Cali Xuseen, ayaa abuurtay tuhuno badan oo la xidhiidha in Jamaal uu dib ugu laabtay fankiisii maadama oo inta badan mas’uuliyiinta Somaliland aan lagu arkin goobaha noocan oo kale ah.

Comments are closed