Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Heshiiska Saldhigga Berbera Ee Imaaraadka Lagu Wareejinayo Ku Tilmaamay Mid Khatar Ku Ah Amaanka Iyo Ganacsiga Somaliland DAAWO
Hargeysa 12. February 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyey in ay halis weyn galinayso shacabkeeda marka laga hadlayo hadal haynta ku aaddan saldhigga Milatari ee ay xukuumadda Berbera ka siinayso Imaaraadka isaga oo sheegay in heshiiskaasi halis weyn galin karo danaha dhaqaale, Ganacsi iyo Amni ee dalka Somaliland.
Ismaaciil Buubaa ayaa sheegay in loo baahan yahay in xukuumadda hagoog xumada iska dayso oo nin hagoog xumi in uu wax qarsanayo ayaa la moodaaye ay umaddeeda u soo ban dhigto waxa uu heshiiskaasi xambaarsan yahay.
Ismaaciil Hurre Buubaa waxa uuu arrintan ka sheegay mar uu shalay saxaafadda kula hadlayay Magaalada Hargeysa isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi: “Maahmaah caan ah oo Soomaalidu wada taqaan ayaa tidhaa Berberi Wax Go’ Lagu Qaado Ka Weyn. Maanta ayay runtii Maahmaahdaasi taagan tahay. Arrinkan laga hadlayaa waa halis. Berbera waddankeena halka ay kaga taallaa waa xuddun iyo meel istaraatiiji ah. Mandaqaddan aynu ku naalana waa u xuddun iyo meel muhiimad ballaadhan u leh oo aad u istaraatiiji ah. Si weyna u saamaysa Ganacsiga iyo Amniga. Caalamku maanta waxa uu danaynayaa mandaqadan Badda Cas, Badweynta Hindiya iyo Koonfurta Asia oo caalamku dhaqdhaqaaq badan oo siyaasi iyo amniba ah ka wado sidaa darteed Magaalada Berberi ahmiyad gaar ah ayay qarankeena u leedahay. Arrintan lasoo warinayo ee la leeyahay xukuumadda Somaliland iyo Imaaraadka ayaa ka wada hadlay saldhig Mikatari oo uu Imaaraadku ku yeesho Berbera arrinkaasi waxa uu taabanayaa arrimahaasi siyaasadeed iyo dhaqaale oo dhan. Sidaa darteed, ma aha arrin si sahlan uun loogu dhaqaaqi karo. Waa arrin u baahan in dadweynahana si wanaagsan loogu soo ban dhigo. Waa in xukuumaddu dadweynaha ogaysiisaa heshiiskaasi iyo qodobada uu ka kooban yahay. Waa in saxaafadda loo caddeeyaa maadaama ay saxaafaddu tahay ta dadka wax u tabinaysa kolba waxa saamaynaya nolosha iyo siyaasadda. Waa in la ogaadaa heshiisku waxa uu yahay iyo nuxurka qodobada uu xambaarsan yahay waxa ay saamaynayaan waa in umadda loo soo ban dhigaa. Arrinku ma aha cilaaqaad la diidan yahay in uu ina dhex maro ama innaga dhaxeeyo innaga iyo Imaaraadka. Cilaaqaad khaarajiya waa aynu u baahanahay waana innoo muhiim. Waddankeenu halka uu ku yaallo waa xuddunta isku xidhaysa Geeska Afrika iyo Jasiiradda Carabta. Dawladaha carabta gaar ahaan kuwa Khaliijku waa kuwo aynu aad iyo aad isugu baahanahay loona baahan yahay in aynu wax wada qabsanno. Arrinkaasi waxa uu khuseeyaa dawladaha mandaqadda ee Geeska Afrika sida Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Suudaan iyo Koonfur Suudaan sidaa darteed waa in aynu arrinka rogrognaa waxaanay u baahan tahay sharraxaad badan in umadda laga siiyo. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa nin hagoog xumi in uu wax qarsanayo ayaa la moodaa. Dawladdu sida ay arrinkan u soo dhigaysaa waa si ay muuqato in ay wax qarinayso. Hagoog xumadaasi dadweynaha waxa ay galisay tuhun aad iyo aad u ballaadhan”. Ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa.