|

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Booqasho Ku Tegay Waddada Dawga Cad Oo Dhisme Lagu wado

Hargeysa:Sep,17,2015(SDN/QJ)-Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo dhawaan kusoo laabtay Somaliland, ayaa booqasho ku tegay Waddada Dawga Cad oo dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Hargeysa, waxana uu si weyn u indho indheeyey Shaqada ka socota Waddadaas.

buub4Siyaasi Buubaa oo ay weheliyaan ayaa ujeeddada safarkiisani tahay sidii uu ugu kuurgeli  lahaa hawlo dib loogu dhisayo waddadaas oo ay Guddi gacanta ku haysaa halkaas ka waddo, isagoo indhihiisa ku arkay horumar ballaadhan oo laga sameeyey dhismaha waddadaas cad.

Safarka Siyaasi Buubaa ku tegay Waddada Cad, ayaa sidoo kale waxa uu xogwaraysi kala duwan kala yeeshay Guddida Gacanta ku haysa Waddadaas, kuwaas oo xubno kamid ahi safarkiisa ku wehelinayaan, waxana lagu wadaa inuu Qayb laxaad ka qaadan doono sidii loo dhamaystiri lahaa qabyada ku jirta waddaas.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxa socday dhisme lagu waday Waddada Dawga cad, waxana haatan lagu jiraa Wajigii ugu dambeeyey ee Waddadaas lagu gunaanadi lahaa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed