Siyaasi Duur Oo Si Waayeelnimo ah Uga Falceliyey Xubnaha Iska Casilay Xisbiga Waddani
Hargeysa:Jully,15,2015(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Nuur Carraale, Duur, Ahna Xubin sare oo katirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa ka falceliyey xubno saddex ahaa oo maalintii shalay iska casilay xisbigaas.
Maxamed Nuur Carraale Duur, ayaa qoraal kooban oo uu Bartiisa Face-book-ga soo dhigay waxa uu ku sheegay inaanay cay iyo aflegaaddo geyin masuuliyiinta xisbiga ka tagtay, isla-maraana uu qiray inay muhiimad weyn lahaayeen.
Waxa uu Duur sheegay inay Dhaqanka Siyaasadda Somalilaland ka mid tahay in la is ammaano wakhtiga isku jaalka la yahay ee la wada socdo, balse aanay iyagu sidaas yeelayniin,
Qoraalka kooban ee Siyaasi duur arrintaas kaga falceliyey, ayaa u dhignaa sidan:
“Waxaa dhaqanka siyaasadu noqday inta la wada socdo in lays amaano marka la kala baydhona lays caayo ama leys aflagaadeeyo , hadaba waxaan halkan ku cadaynayaa in taasi tahay caado xun , Xubnaha ka tegay xisbigana ay ahaayeen rag sharaf iyo karrramo lahaa welina leh sharaftii ay shalay lahaayen mana geyaan xumaan rayigoodana waa u xor .Doonta xisbiga WADANI waa mid socota soconaysa. Sababta is casilkooda waa is waydiin doona Waxa keenay”
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com