|

Siyaasi Cali Sanyare oo Dhanbaal Tacsi ah u Diray Qoyskii & Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Alle Ha u Naxariistee Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye

Hargaysa 27.October 2016 (SDN/QJ):-Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare) ayaa Dhanbaal Tacsi ah u  dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye oo ku geeriyooday magaalada Boorama Isla markaana Maalintii Shalay Lagu Aasay Magaalada Boorama.

ambassador-maxamed-sheekh-xasan-nuuriyeMarxuum Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye waxa uu ahaa aqoonyahan kaalin wayn kaga jiray dalka, kana soo qaybqaatay dadaalladii horumarinta waddanka, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii soo maray dalka oo uu u dambeeyey Safiirkii Somaliland u fadhiyey Itoobiya sannado ka hor.

Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare)  waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Comments are closed