Siyaasi Cali Khaliif Galaydh oo Booqasho Ku Tegay Magaaladda Boorama Iyo Xarunta Jaamacada Camuud SAWIRO
Boorama 03. June 2017 (SDN/QJ):-Siyaasi Cali Khaliif Galeydh oo maalmo uun ka hor socdaal ku yimi magaalada Hargeysa, ayaa saaka safar ugu baxay magaalada Boorama, halkaasi ay oo ay ku soo dhaweeyeen madaxda dawladda, Xisbiyada iyo weli ba haldoorka kale ee gobalkaasi.
Siyaasi Cali Khaliif oo socdaalkiisan uu ku wehelinaayey guddoomiyaha Xisbiga UCID Inj.Faysal Cali Waraabe, ayaa markii uu gaadhay magaalada Boorama, waxa uu socdaal booqasho ah ku tagay gudaha jaamacadda Camuud ee magaaladdaasi, iyada oo halkaasi uu ku qaabilay guddoomiyaha Jaamacadda Camuud iyo weli ba madaxda iyo ardeyda kala duwan ee wax ka barata jaamacaddaasi, waxaana goob goob iyo weli ba dhisme dhisme loo soo daawadsiiyey inta meelood ee ay ka kooban tahay jaamacadda Camuud.