Siyaasi Cali Guray oo Cadeeyay in Hadii Sharciga la Hor Keeni waayo Cidii Shirqoolka u Gaystay Haldoor Barkhad Batuun uu Denbigu ku Cadaan doono Xisbiga Kulmiye
Hargaysa 20. December 2016 (SDN/QJ):- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” ayaa ka hadlay Weerar nabaro Loogu gaystay Xoghayaha Caddaaladda ee Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun Waxaanu Sheegay in Falkaasi ahaa Mid Fool Xun Isagoo Laamaha amaanka Gaar ahaan Booliska u Soo Jeediyey inay Sharciga hor keenaan Cidii Falkaas ka danbaysay Isagoo Hoosta ka Xariiqay in hadii la waayo Kuwii Falkaas ku Kacay ay dhab noqon doonto Wararka Sheegaya in Shirqoolkaas laga Soo Maleegay Xisbiga Kulmiye.
Cali Guray oo Qoraal kooban ku faafiyey barta uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka Bulshada ee Facebook ayuu ku Sheegay Sidan:- ”Mundane Barkhad Jaamac Batuun waa haldoor runtii. Dhalinyarta aan jeclahay ee Somaliland ayuu kow ka yahay. Sababta lagu weeraray haday fikirkiisa tahay waa arin foolxun.
Waxan kula xidhiidhay Tilfoonka cidda weerartay iyo sababta midna garan maayo waayo iska oo lugaynaya ayaa col baabuur watay uga soo degeen sida uu ii sheegayna way ku bilaabeen uun. Wuxu qaatay dhaawac muujin Saldhiga Bilayskana wuu ka diiwaangeliyay oo sharciga ayuu maray. Maadaama uu masuul xisbi qaran ka tirsan uu yahay oo weliba beesha uu ka soo jeedana aynu ognahay oo taasina dhinaca dhaqanka si kale loo qaadan karo waa waajib in aan arinkiisu inu madmadow iyo dembabas galo maaha ee bilaysku gacanta ku soo dhigo ciddii weerarka tooska ah u gaysatay Mudane Barkhad hadii kale waxa run ah wararka aan wax cadaymo ah loo haynin ee la wadwado oo ah in arinku ahaa shirqool laga soo maleegay dhinaca xisbiga Kulmiye.
Si kastaba xaalku ha ahaado eh anigu waan ka soo horjeedaa in qofna lagu wax yeeleeyo fikirkiisa iyo aragtidiisa siyaasadeed waayo waa xaq uu dastuurka Somaliland u damaanad qaadayo muwaadin kasta oo Somaliland ah