Siyaasi Aadan Dhoolla-yare Oo U Jawaabay Dr.Xuseen-Xoog, Eedayn Culusna Usoo Jeediyay
Hargeysa, 23, 4,2016 (QJ/SDN) – Wasiirkii hore ee Beeraha Somaliland Mudane Aadan Dhoolla-yare ayaa qoraal uu ku baahiyay Bartiisa Facebook , waxaa uu kaga jawaabay Maqaal uu shalay qoray Dr.Xuseen-Xoog oo ahaa Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland.
Aadan Dhoolla-yare ayaa Dr.Xuseen-Xoog ku eedeeyay in uu masuul ka ahaa dhibaato horay uga dhacday Riig magaalada Hargeysa la keenay 7July,2008 taasi oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 3 ruux, isagoona Aadan Dhoolla-yare sheegay in Dr.Xuseen-Xoog ka mid ahaa dadkii sida wayn u abaabulay dhalinyaradii wakhtigaas ka gadooday riiggaasi.
Haddaba Qoraalka Uu Aadan Dhoolla-yare ku baahiyay bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook halkan hoose ka akhriso;
“Asalaamu calaykum wa raxmatulahi wa barakatuh. Maqaalkan waxaan jeclahay inaan kaga hadlo dhibaatooyinka biyo la’aantu inagu hayso waxaan door biday inaan wax yar ka faaloodo riiga biyaha loogu talo galay ee banka qoolcaday oo imaka yaala Star horteeda.
Waxa maqaal soo qoray Dr Xuseen Xoog oo ku sheegayo in dad gaar ahi ay dano gaar ka leeyihiin xidhida iyo in biyo laga qodo banka qoolcaday.
Aniga oo ixtiraam weyn u haya dhakhtarka arintan uu soo qorayna ay tahay fikirkiisa uu qabo balse u baahan in laga doodo oo la fahamsiiyo bulshada danta guud wax ku qaba haddii ay dhakhtarka la noqotay inuu fikradiisa gaarka ah ku soo bandhigo warbaahinta oo uu ku soo koobay cid baa qandaraasyo qaadanaysa marka hore waxaan jeclaan lahaa inaan dhakhtarka xusuusiyo markaan ahaa wasiirka xukuumadi Rayaale,7 JULY 2008 waxaa jirtay in riig kan oo kale ah ay xukuumadii aan ka tirsanaa oo uu madaxweynuhu ka soo codsaday Imaaraadka in la inaga caawiyo biyo la’aanta ay inagu deeqeen riig taas oo uu madaxweyne Rayaale isaga oo aan cidna kala tashan u soo diray koonfurta Hargeysa una xilsaaray ilaahay ha u maxariistee Xoghayihiisi gaar ka ahaa Daahir Cali Ciid amarna ku siiyay ilaa biyo laha helo Daanta koonfureed ee magaalada inaan meel kale la gayn .
Waxa dhacday in ceel uu qodayay ay biri ki xumaatay ka dib ninki Suuriyaan ka ah ee riiga waday uu yidhi inta birtaasi inoo imanayso oo bil ah aan soo qoodo ceel ku yaalay Gabiilay ka dib waxa dhacday in la siyaasadeeyay oo la yidhi waxa loo diraya beerta gabadha ina Rayaale oo ceel loogu soo qodayaa.
Ragii xisbiga Kulmiye ka tirsanaa ee dadka sida khaldan wax ugu sheegay in lagu mudaaharaado oo aanu riigaasi ka bixin xaafada ee wadada taayirada ku gubayay iyo dhagaxaanta ku xidhay wadada ee guubaabinayay caruurta waxa kow ka aha Dr Xuseen oo aha xubin firfircoon oo ka tirsanaa xisbigi mucaaradka ahaa ee Kulmiye . Nasiib darro iyadoo ahayd been cad oo shacabka u sheegayeen nimanka mucaaradka ahaa waxay sababtay inay ku dhintaan 3 wiil oo yar yar kuna dhawacmeen 5 qof oo uu ka mid aha Shiine Foodcade,Dhakhtarku waxa uu ka mid ahaa raggii ciyaalka soo dirayay ee anigoo wasiir ah ciyaalkii guriga igu shiiday isagoo gubaabo xoog badan siinayay caruurta oo uu mucaarad ku ah islamarka xiliga waxa la keenay xaafada hub loo keenay nimanki jabhada ahaa oo loogu keenay in ciidamada kula dagalamaan haddii markhaatigeeda loo baahdo waa la hayaa.
Haddaba, iyadoo berigaas khasaaraha intaas le’eg uu dhacay oo ay ku dhacday caruurta dhimatay lagaga faa’iidaysto mucaaradad aan danta umadda la eegin oo lagu jiray daaha dabadiisa miyay maantana haboontahay in laga soo horjeesto danta ummadda oo la yidhaa cid baa dano gaar ah leh oo qandaraasyo qaadanaysa Haa meeshii shaqo taalo waa la qaadanaya laakiin waxa fiican inaan maantana la samayn caqli xumadii marka dhacday oo aan daaha dabadiisa la geline wixii fikir ah in lala dhex yimaado dad ka oo laga doodo isla markaana la is qanciyo laakiin in la abaabulo caruur mar kale iyo dhalinyaro oo la yidhaa biyo banka laga soo saaro maayo oo cid gaar oo aan jirin baa loo xidhayaa banka ma haboona maanta lagu dhinto iyadoo caruurtii yar yarayd ee 2008 dhimatay magtoodi weli la bixin laguna leeyahay cidi soo abaabushay.
Waxaan leeyahay dhakhtarka ixtiraamka naga mudan inuu fikradiisa debedde ula soo baxo oo uu wax u sheego haddii uu khalad jiro laakiin la joojiyo abaabulka khaldan ee daaha dabadiisa ah.waa in la is qanciyaa oo talada la isu la yimaadaa oo wixii khaldan la saxaa waxaaba suura gal ah inuu dhakhtarku dadka qanciyo. Laakiin waxaan ka xumahay in dadka kolba ibriiq loogu adimo oo aan runta la isu sheegin.
Banka qoolcaday cid gaar ahi ma laha umadda iska leh haddii wax laga qabtana deegaanka leh haddi aan waxba laga qabana deegaanka leh.
Dhakhtarkana waxaan leeyahay qodobada quruxda badan ee aad warbaahinta ku soo ban dhigtay dadka caddaan ugu sheeg haddii ay jiraan wax khaldani laakiin dhici mayso maanta in dhalinyaro dambe ku dhimato riig biyo lagu qodayo oo jahawareerin loo adeegsado. Maqaalkani waxaan ku xusay taariikh iyo talo iyo in la isa saxo oo aan la is dhaleecayn marka waxaan rajaynaya inaanu caadifad gelin ee loo qaato sidaan u soo dhigay.
Aadan Dhoolla-yare
Wasiir hore oo ka tirsanaa xukuumaddii Rayaale.