|

“Siyaasaddu kolba dhinac bay isku rogtaa, annaguna ka masuugi mayno xisbiga KULMIYE haddii uu talada dalka qabto oo marka dambena uu Muuse Biixi Cabdi ku fadhiisto kursiga’’ Jamaal Cali Xuseen DAAWO

Hargaysa 08. February 2017 (SDN/QJ):- Murrashaxii hore ee madaxweynaha ee xisbiga UCID Md. Jamaal Cali Xuseen oo isagu hoggaaminayey garabkan sida rasmiga ah ula midoobay xisbiga KULMIYE, ayaa shaaciyey in ujeeddadiisu ahayd sidii uu dalku guul u gaadhi lahaa, balse aanay macno weyn u lahayn inuu gaadho hankii uu lahaa ee ahaa inuu dalka hoggaamiyo, waxaannu yidhi, “Siyaasaddu kolba dhinac bay isku rogtaa, annaguna ka masuugi mayno xisbiga KULMIYE haddii uu talada dalka qabto oo marka dambena uu Muuse Biixi Cabdi ku fadhiisto kursiga, annagana xilligayaga uun bay iman doontaa, dalka waxa aannu u doonaynaa maaha inaannu xukunka qabsano ama uu shakhsi ka taliyee inuu dalka Somaliland hagaago ayaanu doonaynaa.”

Comments are closed