|

Siyaasadda Maaliyadda Iyo Kaalinta Ay Ka Qaadato Horumarka Dhaqaalaha (Qaybtii 2’Aad)

Waxa aynu qaybtii koobaad ku soo qaadanay shan qodob oo ah ahmiyadaha waaweyn ee ay siyaasadda maaliyaddu u leedahay horumarinta dhaqaalaha, waxaana aynu qaybteenan labaad ka sii ambo qaadaynaa qodobka shanaad oo ay inoo taagneyd.

5. In laga hortago sicir bararka (To counteract inflation ) tiir dhexaadka laga leeyahay siyaasadda maaliyadda ayaa ah daweynta iyo indho ku haynta sicir bararka oo ah cudur aafo ku ah kobaca dhaqaalaha, ahmiyadaha ugu waaweyn ee laga dheefo siyaasad maaliyadeed caafimaad qabtaana waa kobac dhaqaale oo la gaadho, sidaa darteed siyaasadda maaliyadeed waa in ay noqotaa mid u ah dawo irbadeed sicir bararka, taas oo noqonaysa in la isku dheelitiro baahida suuqa iyo dalabka suuqa ba iyada oo la garabsanayo hannaanka lacageed ee baanku masuulka ka yahay. Iyada oo laga duulayo arrintaas waxa mihiim ah in la sameeyo dhawrkan qodob

(A) diyaarinta barmaamijka dhiirrigalinta keydinta hantida, taas oo lagu yaraynayo awoodda wax iibsi ee xad dhaafka ah si aanu isku dheelitirku u lumin, (B) Abaabullidda hantida iyada oo la abuurayo maalgashiyada. (C) Curinta kharashyo miisaaman. (D) Kala qorsheynta cashuuraha iyada oo lagu jaangoynayo ahmiyaddooda . (E) In lagu dhiirrigaliyo bulshada keydinta lacagta si loo helo maalgashi.

(F) Dajinta maalgashiga wax soo saarka leh. (G) Dhiirrigalinta mashaariicda wax soo saarka leh sida kuwa wakhtiyada gaagaaban iyo kuwa wakhtiyada dheer ba. (H) Sahaminta iyo sugidda khayraadada dabiiciga ah, iyada oo lagu samaynayo maalgalino dhanka bulshada ah iyo dhinaca dawladda ah, taas oo loo marayo in laga faa’iideeyo keydadka bulshada ee jeebadaha iyo meelaha kale iskaga jirayay.

6. In la kordhiyo lana qaybiyo dakhliga qaranka (To increase and redistribute national income) mihiimadaha laga leeyahay siyaasadda maaliyadda qaranka ayaa ah in siyaasadda guud iyo dhaqaalaha waddanka ba lagu ilaaliyo xasilooni, si haddaba taas loo gaadho waxa lagama maarmaan ah in lala dagaalmo kala saraynta dabaqadaha bulshada iyo yaraynta saboolnimada baahsan. Si haddaba siyaasadda maaliyadeed oo suurogalisa taas loo gaadho waxa loo baahan yahay in kor loo soo qaado dakhliga dadweynaha iyo in la kobciyo kharashaadka lagu bixinayo baahiyaha asaasiga ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

7. In la la dajiyo hannaan cashuureed oo wax ku ool ah (To establish an effective system of taxation) habka cashuuruhu waa waddada ugu mihiimsan ee suurogalisa xasilooni dhaqaale iyo mid siyaasadeed ba, sida oo kale waa habka uu ka abuurmo taabo galinta adeegyada bulshada iyo kuwa guud ahaaneed ba. si haddaba ujeeddadaas loo gaadho hannaanka cashuurtu waa inay noqotaa mid ku jaan go’an. (A) In si feejigan loo dhawro istcimaalka iyo maalgalinta, (B) In hantida keydsan lagu dhiirrigaliyo in la maalgashado iyada oo dhiirrigalintu ka imanayso hannaan cashuureed leh soo jiidasho, (C) In la yareeyo sinnaan la’aanta dhaqaalaha iyada oo lagu salaynayo kharashaadka dawladda iyo ugu danbayntii oo ah (D) in la abaabullo in dhaqaaluhu yeesho wax soo saar dheeraad ah oo ka yimaadda maalgashiga.

8. in la kabo isticmaalka iyo wax soo saarka ( Subsidies in consumption and production) tiirkani waa mid ka mida faa’iidooyinka ay leedahay siyaasadda maaliyaddu, waxaanu qodobkani mihiim u leeyahay yaraynta sinnaan la’aanta dhaqaalaha si aanay dadka noloshoodu hoosayso uga bixin meesha waa in la abuuro kab la siiyo suuqyada iyo beerralayda si heerkooda nololeed kor loogu soo qaado.

9. in la qoondeeyo khayraadka (Reallocation of resources) hirgalinta qoondaynta khayraadku waa mid u leh dheef weyn kobaca dhaqaalaha, waxa ay suurogalisaa isku dheelitirnaan siyaasadeed oo abuurta deganaansho waxa la garan karaa dabaqadaha cashuuraha lagu badinayo, kuwa laga yaraynayo, meelaha la maalgalinayo, kuwa kabitaanka u baahan, suuqyada loo baahan yahay in abuuro iyo qiyaasta qorshaha mustaqabalka dhaw iyo ka dheer ba sida la doonayo in uu horumarku gaadho.

Marka aynnu soo afmeerno qormadeenan waxaynu soo aragnay sagaal qodob iyo kuwo ka farmacay oo laf dhabar u ah kobaca dhaqaalaha. Sidaa darteed iyadoo talaabooyinkani aynnu soo xusnay haddii aynu mihiimad gaar siino wax badan ayay ka qaadan karaan dalkeena. Iyada oo aynu ognahay in hannaankeena maaliyadeed aanu ku salaysanayn inuu abuuro kobac dhaqaale. Sidaasi oo ay tahay waxa innagu waajib ah inaan abuurno jawi siyaasadeed maaliyadeed oo dalka iyo dadkaba sii wadi kara oo ku dhisan odoras iyo aqoon kaas oo inoo hilaadiyo tubka horumarka lagu tiigsado. Waxa iyaduna haboon in hannaankeena cashuureed uu noqdo mid dhiiri galiya kobac dhaqaale balse aannu noqon mid lumiya horumarka. Waxa xilk ka saaran yahay xukuumadda inay jid saxan ay u dajiiso siyaasadda maaliyadda, taas oo dalka iyo dadka ba u horseeda horumar uu qarankani cagahiisa ku istaagi karo.

Dhamaaad

Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi

 

Email: Liibaanhanad79@gmail.com

Comments are closed