|

“Siyaasad Aan Meel Lahayn Oo Been Ah Ayay Dad Adduunkii Ka Iibiyeen, Tii Baynu Ka Hor-tagaynaa” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Hargaysa 18.Feb 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe , ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay in laga shaqeeyo sidii loo adkayn lahaa wada jirka iyo midnimada Somaliland, waxaanu tilmaamay in loo midoobo sidii ay Somaliland aqoonis buuxa u heli lahayd.

faysal cali waraabeFaysal Cali Waraabe waxa uu sidaasi ka sheegay dalka Sweden oo uu booqasho ku joogo,iyada oo Isniintii ay si wada jir ah u dhaweeyeen jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalkaasi, waxa kale oo uu sheegay in halgan adag loo soo galay sidii Somaliland ay u noqon lahayd qaran madaxbanaan.

Guddoomiyaha xisbiga UCID oo arrimahaasi ka hadlayay, waxa uu yidhi “Waad ogtihiino wa inagii halgankii ku adkaanay , waxa bilaabmay dagaalkii siyaasada, qorshaa jira oo wixii la inagaga qaadi waayay qori iyo diyaarado in buhaabuhaa la inagaga qaado oo siyaada aan meel lahayn oo been ah ay dad samaysteen adduunkii ka iibiyeen tii baynu ka hor tagaynaa imika.”

 

Faysal Cali Waraabe waxa uu intaas ku daray “Anigu ilaa bishii June ee sanadkii hore intaan dalka joogay inyar bay ahayd oo waxaan iskaga daba qaadayay Maraykan, iyo Nairobi oo ah meesha arrimaha Somaalida lagu karkariyo, Imaaraadka iyo Jabuuti hadana halgankii waxaan soo gaadhsiiyay Yurub, cunaqabatayn baynu u adkaysanay oo waynu u gajoonay, wixii waxay u baahan tahay in la adkeeyo. Himiladeenii u weynayd ee ahayd in aynu qaran noqono oo ictiraaf helnana la gaadho, taasna waxa lagu gaadhayaa midnimo.”

Comments are closed