|

Sirta Ka Dambaysa Inay Yaraadaan Qaraxyada iyo Dilalkii Qorshaysnaa Ee Muqdisho Laga Fulin Jirey Oo Bannaanka Timi

Muqdisho:June,12,2015(SDN/QJ)-Shacabka reer Muqdisho, ayaa sin weyn muddooyinkan dambe u dareemayey amni iyo xasilooni aanay abidkeed Muqdisho ku naalloonin, waxana si weyn la isu weydiinayaa waxa is beddelay ee nabadda keenay.

turyoSababta ugu weyn ee ammaankan ka dambaysa, ayaa lagu sheegay Barnaamij cusub oo ciidamada nabadsugiddu Muqdisho ka bilaabeen, kaas oo salka ku haya in dadka deriska ah la is baro si aan loogu dhex dhuuman.

Barnaamishkan cusub ayaa waxa uu la magac baxay ” Iska Baro Dariskaaga ” wuxuuna sii xoojiyay amniga magaalada Muqdisho maadaama Qaraxyadii iyo dilalkii qorsheeysnaa ay noqdeen kuwo uu waqtigooda sii dhamaanayo.

Bilihii ugu dambeeyay ciidamada Nabad sugida Qaranka ayaa waday howlgal balaadhan oo lagu xaqiijinayo Amniga caasimada iyo kan guud ahaan dalka Somalia waxaana degmooyinka gobolka Banaadir ka hir galay Barnaamishka cusub ee (Iska Baro Dariskaaga) maadaama la is baray Daris badan oo xiliyadii hore lagu soo dhex dhuuman jiray .

Shacabka Muqdisho oo si aad ah u aaminay ciidamada Nabad Sugida Qaranka ayaa waxay si deg deg ah ku wargaliyaan xarumaha ciidamadaan degan yihiin waa hadii ay arkaan ama ka shakiyaan qof ku guda jira sir qool dil ama mid Qaraxyo lagu maleegayo .

Hadal heeynta ugu badan magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe waxa ay noqotay Shacbiyada balaadhan ee uu yeeshay Taliyaha Nabad Sugida Qaranka Jen.C/raxmaan Maxamed Tuuryare kaas oo Amniga caasimada wax yaabo badan ka badalay .

Guusha ugu weyn iyo Da´daalka uu sameeyay Taliyaha Nabad Sugida Qaranka Jen.C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa waxaa lagu sheegay ciidamada Nabad Sugida oo noqday kuwo isku badala saacad walba shaqadooda waxaana sidoo kale shaqeeya oo habeenkii saq dhexe soo jeeda qaar ka mid ah ciidamada Nabad Sugida oo guud ahaan degmooyinka gobolka Banaadir iyo wadooyinka ku sugan .

Isku soo duuboo Amniga magaalada Muqdisho ayaa gaadhay heerkii ugu sareeyay waxaana maalin walba magaalada gudaheeda ka socda Barnaamish-kan cusub ee la magac baxay (Iska Baro Dariskaaga) kaas oo ku qasbay kooxihii Qaraxyada geeysan jiray inay iskaga qaxaan degmooyin badan oo ay xiliyadii hore ku dhuumaaleysan jireen .

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed